Genel Energy Oo Ka Hadashay Filashada In Somaliland Shidaal Laga Heli Karo

0
582

Picture6

Hargeysa(Geeska/Oilprice)-Shirkadda Genel Energy ee ay xukuumadda Somaliland hore ula saxeexatay heshiiska ah sahaminta khayraadka Somaliland, ayaa ka hadashay rajada ay ka qabto in shidaal laga helo Somaliland.

Maamulaha Genel Energy Mr. Tony Hayward, oo waraysi siiyay shabakadda Oil price.com, ayaa waxa la weydiiyay su’aal ku saabsanayd khatarta ay leedahay in shidaal laga sahamiyo Somaliland oo aan weli la aqoonsan, waxaanu sheegay inaanay Genel Energy ku cusbayn inay ka shaqeeyaan meelaha khatartoodu sarayso, taasina ay tahay sababta Somaliland keentay, waxaanu yidhi “Maadaama oo aanu nahay shirkad shidaal oo madax bannaan, waxa aan ka cabsi qabaa in filashada ah in la helo dhul ay yar tahay khatartiisa farsamo iyo siyaasadeed aanay suurtogal u muuqan – Waa qasab in labadaa arrimood midkood uun lala kulmaa. Gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq, waxaa ka jirtay khatar yar oo dhinaca farsamada ah, aadna waa aanu ugu qanacsanayn heerka ay ahayd khatarta siyaasadeed – waxa aanuna aaminsanahay in xiisaha xooggan ee muuqday 18 kii bilood ee u dambeeyey uu caddeeyey in aanu saxnayn. Marka loo eego cilmiga dhulka ee Geology-ga Somaliland waa meel xiise weyn loo qabo, sidaa awgeed khatartu mar walba waxa ay ka jirtaa dhinaca siyaasadda.”

Mar la weydiiyay waxa ay Somaliland ku doorateen, sida  loo sahamiyey shidaalka Somaliland ku jira, waxa ay filayaan iyo goorta ay filanayaan, wuxuu yidhi “Somaliland waxa ay aad ugu eeg tahay dararka dihin ee Yemen – Jiyooloji ahaanna waxa ay u eegtay meel fiican, waana deegaan hadda ay sahamin badani ka jirto.”