Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
692

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.

– Guurka ha u dib dhigin in aad raadiso qof leh tilmaamo kuu qoondaysan, taasi waxa ay keentaa in uu qofku doono in uu barto lamaanihiisa aadna u dhex galo, ogow oo is dhexgalkaas ayaa uu ka dhashaa Sharka iyo xidhiidhka aan Sharciga ahayni. Waana arrintan ta burburisay bulshada reer galbeedka.

– Maadaama oo aynu nidhi guurku waa xidhiidh barakaysan, waxa aad ogaataa in uu yahay Cibaado. Wax kasta oo Cibaado ahina waa in uu ku seesnaadaa diinta Islaamka. Arooskaaga ugu dabbaal deg sida ugu qurux badan laakiin ha ka bixin xayndaabka diintu dhigtay, ha u malayn in xaflada aroosku ay tahay guurkii ee ogow in ay tahay qayb ka mid ah guurka.

– Xaas ayaa aad guursatay macnaheedu ma’aha gabadh ayaa aad yeelatay (Ama Nin ayaa aad yeelatay), balse waxa weeye, noole adiga oo kale ah ayaa uu idin dhex maray heshiis wada noolaanshiyo. Ninkuna waa in uu ogaado in gabadhu ay leedahay baahiyahaaga oo kale.

– Qabiilka iyo beelnimada Ilaahay uma samayn in la isku hayb sooco, kaliya waa in la isku gartaa, ma jirto kala sarayn Jinsi, Hayb, Midab, Qoys ama Lacag.

– Ninka iyo Xaaskiisu bani’aadamnimo ahaan waa ay siman yihiin. Waa laba Taayir (Shaag) oo baabuur kaliya kuwada yaalla. Iyada oo taasi jirto haddana maaddaama oo uu qoysku yahay dhisme muhiim ah oo leh himilooyin uu hiigsanayo, waa in la helaa qof hogaamiya qoyska, masuuliyadaas ninka ayaa la saaray, laakiin macnuhu ma’aha in raggu ay mudnaan dheeraad ah leeyihiin. Ninka ayaa ka masuul ah nolosha iyo ilaalinta qoyska sidaa awgeed waa in ay gabadhu u tixgalisaa, kuna ixtiraamtaa masuuliyaddan.

– Gabadh/Nin daacad ah in aad hesho ayaa ka muhiimsan in aad adduun iyo Maal buuxsanto.

– Ha beddelin Qaab dhaqanka aad ku bilowda saygaaga/xaaskaaga marka u horeeya ee aad is-guursataan.

– Hogaamiye waa kii u dul qaata dadka uu maamulo, sidaa awgeed Ninku waa in uu u dulqaato xaaskiisa. Ha dalban ixtiraam iyo qadarin ee mutayso in lagu qaddariyo.

– Mar walba gabadhaada ku eeg indho uu ka muuqdo jacayl. Ayaan darradu waxa ay tahay in raggeenu ay dumarka kale (kuwa aan xaaskooda ahayn) uga eegmo iyo xiise kalgacal badan yihiin xaasaskooda.

– Dumarku waxa ay aad u jecel yihiin in ay ka waramaan badhaadhahooda, waa xusuus badhaadhe ku nool, sidaa awgeed, ninku waa in aanu dayicin fursadaha ah in uu xaaskiisa u hambalyeeyo hadyaddana siiso munaasabadaha farxaddooda sida, sannad guurada arooskiina, dhalashada caruurta IWM.