Googooska Geeska Iyo Aqoon Korodhsiga Akhristaha

0
552

Hargeysa (Geeska)- Qormadan kooban waxa uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa xogo muhiim ah, qaarkoodna aanay maskaxdu hore u rumaysan karin oo la xidhiidha bisadda iyo xayawaanno kale.

– Bisadda rabbaayada ahi (Guri-joog) il-bidhiqsi kasta waxa ay samaysaa 26 jeer cod gariir ah (Khurrrrr), waxa arrintaas kala mid tahay Mishiinka naafatada ah oo isna isla intaas oo jeer sameeya codkan oo kale.

–  Awoodda dareenka maqalka ee bisadda, marka halbeegga cilmiga ah loo eego waxaa lagu qiyaasaa 65 kilohertz. Halka ay dadku ka yihiin 20 kilohertz oo kaliya.

– Awoodda dareenka urta ee bisaddu 14 jeer ayaa uu ku laban-laabmaa tan bani’aadamka.

– Noocyada bisadaha rabaysma ee dunida korkeeda ku nool waxa lagu qiyaasaa Saddex Kun oo nooc. Waxaana la ogaaday in dadka maraykanka ahi lacagta ay ku bixiyaan cuntada ay siiyaan bisaduhu ay ka badan tahay lacagta ay ku bixiyaan cuntada caruurta naaska jaqda la siiyo.

– Waxaa la ogaaday in bisadda ka soo dhacda meel aad u dheer (Sida dabaqa Labaatanaad ee dhisme) ay badbaadada uga dhowdahay bisadda ka soo dhacda meel hoose, (Sida Dabaqa Toddobaad ee dhisme). Sababtu waxa ay tahay masaafadda dheer ee ay dhulka u soo soconaysaa waxa uu fursad u siiyaa in ay xakamayso qaybaha kala duwan ee jidhkeeda una diyaar garoobi karto in cagaha dhulka ku horaysiiso si ay u badbaaddo.

– Tallaabada ay bisaddu waxa ay la mid tahay Geela iyo Geriga oo labaduba aad uga qaro weyn, waayo marka ay socoto labada lugood ee isku dhan ku yaalaba isku mar ayaa ay wada qaaddaa. Taas oo aanu jirin xayawaan Afar lugood leh oo la wadaaga saddexdan xayawaan.