Hugaaga Iyo Mobilkaaguba Way Kula Hasaawe Tagaan! (Sheeko)

0
881

13619_4597927899909_1028365346_n (1)Waxaan xasuustaa barigii aan yaraa ayaa adeeraday markay miyi ka yimadaan ee rabaan inay guursadaan ee ay deydeyga yahiin waxay ka sheekayn jireen sidii loogu soo diri lahaa go’o shaala iyo saacada SEIKO 5 ah gaar ahaan afar geeslaydii ,dhalinyaraddan danbe ma fahmayaane aan ka boodo .waxaa kaloo aynu caado u lahayn soomalida dhaqankeeda oo maahmaahdii watii ahayd “Hugaaguna wuu kula baryo tagaa”taas oo loola jeedo isa sii habee intaanad bal biciidka eryan.
Imika dalkan ingiriiska waxaa jira in qofku marka uu shaqo doonayo in la qoro waa inuu si fiican u labisto ,meelaha lagu caweeyna dadka oo dhami waa ay u labistaan , taas oo ku tusaysa muhiimada inaad labisato oo aad is giijiso intii itaalkaaga ah ,waayo inaga diinteenu waa diin NADAFADEED oo cid walba waa inaynu dhabiga u qoro xaga nadaafada.
Haddaba immika dhalinyaradda danbe waydinka arkay waxa la sitaa waxan loo yaqaan SMARTPHONES ama , iphones ,ipad ama tablets kala duwan kuwaas oo ay hadh iyo habeen mashquul ku yahiin FACEBOOK ama Twitter waana inaad sidato noocii u danbeeyay, hadii kale waxaad u eekanaysaa ABU JEERIN
Dulucda sheekda : Nin Faarax ah oo aan aad ula socon technologga ayaa gabadh shukaansaday markaas ayaa markii uu xafadii tagey ee waxoogaa ay gabadhii sheekaysteen ay aragtay inaanu ahayn TRENDY ama sidii la rabay u qalabaysneen waxaanay isha marisay dharkiisii oo ay tidhi waa iska OK lakiin waxay ka yaabtay Kabahiisa oo ahaa kabaha QADHA ee lagu shaqeeyo , waxay istidhi sideebaad haddaba wax ku fahansiisaa waxaanay aragtay inuu sito MOBILE weyn oo ah kuwii hore waxaanay ku tidhi si uu cagaha wax uga dayo WALAAL RIMOOT kontroolka TVGA II DHIIB markaasa intuu kacay yidhi WAA MOBIlKAYGII EE NABDGELYAHA!

MD Cabdi Raxmaan Bidhaan xaaji Daahir Communication and media Consultant