Burco Waa Mid Qudha: W.Q Jaamac Muuse Jaamac

0
591

Picture8Kan: "Salaan saaxiib"

Keer: "Maxaad xilligan la soo jeeddaa? idinka waa goor danbee!"

Kan: "Waar salaanta horta naga qaad, hanna dagaaline"

Keer: "Haye, sow lama wanaagsana? maxaan dee adiga ku soo jeediyay goortan?"

Kan: "Magaaladaadii baan u safrayaa mardhow oo waan gudayaa. Haddadanba safar baan ahaa"

Keer: "War wanaagsan baad sheegtay haddaa"

Kan: "Maxaan kaa gaadhsiiyaa dariiqyadeedii? dad mooyi sida aanu waqti isugu heli doonnee!"

Keer: "Ku dheh"

Kan: "Maxay?"

Keer: "Bari iyo galbeed

Uma kala baxdoo

Burco waa mid qudha!"

Kan: "Iyaa?"

Keer: "Ku dheh uun adigu"

Kan: "Hawraarsan – armay dariiqyadu igu soo jeediyaan dadka dulmaraaya?"

Keer: "Intaas uun ku dheh baanu ku nidhi …"

Kan: "Ha i dagaalin dee"

Kee: "…. hadda yara sug .. hadda, waaba intay kugu soo jeestaane"

Kan: "Hee"

Keer: "Ku dheh"

Kan: "Maxay?"

Keer: "Waa beer is dhalay

Iyo laba bog oo

Isu baahanoo

Hadday kala baxaan

Mid bukoonayoo

Isu booyayoo

Burco waa mid qudha!"

Kan: "Ma biriishkaan intaa u sheegaa?"

Keer: "Cudur baahay iyo

Bixisada qabiil

Belo lagu jabiyo

Naxli baa beryahan

Dhex bariinsadee

Biyihii kalgacal

Bisin iyo taxliil

Bu'da ugu shuboo

Burco waa mid qudha!"

Kan: "Iyaa!"

Keer: "Cudur baahay iyo

Bixisada qabiil

Belo lagu jabiyo

Naxli baa beryahan

Dhex bariinsadee

Biyihii kalgacal

Bisin iyo taxliil

Bu'da ugu shuboo

Burco waa mid qudha!"

Kan: "Sowdigii intaa markii hore na yidhi?"

Keer: "Laba jeer ku celi"

Kan: "Hawraarsan."

Keer: "Bini-aadanku ba

Wuxuu boqor ku yahay

Is bahaysigiyo

Barashada sedkiyo

Bulsho wada jiree

Baradiinna iyo

Haddaa beydka qudha

Xididada biliyo

Loolkii bishliyo

Bixisaan udbaha

Berri maalin buu

Baabi'ye garo

Bari iyo galbeed

Uma kala baxdoo

Burco waa mid qudha!"

Kan: "Oo baylahdaa, maw bisayl yiin?"

Keer: "Ogow baratankiyo

Booddada sariyo

Orodkiyo biglada

Kubbaddii baxdiyo

Way barriiqatee

Burco laga ma badin

Hablo baariyoo

Kolka ficil burqado

Libta boobayiyo

Wiilal baal socdoo

Bannoonnigu hadduu

Baal sare ka maro

Biixiyaha jebshoo

Ciyaar yahanka bixin

Waa bartii dhashiyo

Beledkaad ogayd

Bisaylkiisa oo

Bari iyo galbeed

Uma kala baxdoo

Burco waa mid qudha"

Kan: "Maxaad tidhi?"

Keer: "Calankaa baxsane

Qarankeenna bilan

Madaxdeenna boga

Waa bartii dhashoo

Waa ballaysinkii

Xudduntiyo bartii

Budka loogu dhigay

Dawlad loo bogiyo

Baashaalka oo

Ha ku dagan bidhaan

Aar baabulloo

Jirku baradhigee

Togga baahsan baa

Gobannimo baxshee

Bari iyo galbeed

Uma kala baxdoo

Burco waa mid qudha!"

Kan: "Bi'i waa Cabdow"

Keer: "Habeen wanaagsan."

Kan: "Iyaa?"

Jama Musse Jama

| jama@jamamusse.cm