Faa’iidooyinka Waxtarka Leh Ee Laga Dhaxlay Idaacada Qur’aanka Kariimka Ah Ee Radio Hargeysa Mudadii Ay Jirtay

0
1104

Picture1Idaacada Qur’aanka Kariimka ah Ee Radio Hargeysa Oo Ilaa iyo Haatan Mudo sanad iyo Badh kahor ah La’ aasasay Isla Markaana Ilaa iyo Imaka Laga Hirgaliyay Guud ahaanba FM,yada Magaalooyinka Waayayn Ee Somaliland iyo Nawaaxigooda  Ayaa Haatan Waxaa Maalinba Maalinta Ka Danbaysay La Oganayaa Soona Baxaya  Faa’iidooyin aad u Badan Oo ay Soo Kordhisay Iyadoo Talaabada Lagu Aasaasay Idaacada Qur’aanka Kariimka Ee Radio Hargeysa ay Guud ahaanba Ku Farxeen Soona Dhaweeyeen Shacabka ku dhaqan Jamhuuriyasa Somaliland  Iyadoo Noqotay Mid kamid  Tiirarka waxqabadka Ee Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo Intay Jirtay ay Qabatay Ee Loogu Jecel yahay. Haatan Iyada Oo Idaacada Qur’aanka Kariimka ah Ee Radio Hargeysa si wayn Looga Dhagaysto Magaalooyinka Hargeysa, Borama, Burco, Laascanood, iyo Barbara 24, Saacadood Habeen iyo Maalinba Si joogto ah, Guud ahaana Iyada Oo wax wayn Ka Badashay Dhagaysiga Idaacada Qur’aanka kariimka ah Gabi ahanba Bulshada Somaliland Kuwaasoo Kahor Intaanay Quraankaasi Sida Isdaba Jooga ah Looga baahin Idaacada Ku Mashquuli Jiray Waxyaabo kale Faa’iido lahayn.

Hadaynu Xusno Qaar kamid ah Faa’iidooyinka Waxtarka leh Ee Laga Helay Dhagaysiga Idaacada Qur’aanka Kariimka ah Ee Radio Hargeysa  Waxaa kamid ah.

Ka Qayb qaadashada Barashada Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah iyo Culuumtiisa Ee Bulshada Reer Somaliland Gaar ahaana Ardayda Dhigata Qur’aanka iyo Kuwa Doonaya Inay Xifdiyaan sidoo Kale waxy Dhiiri galysay Dadka Qur’aanka aan Hore u dhigani inay bartaan iyo kuwa aan dhamaysana inay u soo jeedsadaan intuba.

Idaacada  Qur’aanka Kariimka ah Ee Radio Hargeysa Mudadii ay Jiratay Waxay Hoos u dhigtay Dhagaysiga Music,kada iyo Heesaha MP3 Lagu Dhagaysto Mobile’lada,  Baabuurta Iyo Meheradaha Iyadoo Imaka Dadku Badankoodu Gaystaan Qur’aanka Qalbiga ay Ku Dejiyaan Dhagaysigiisa.

Sidoo Kale Waxaa Lagu Dhagaystaa Idaacada Qur’aanka Kariimka Guryaha iyo Meherada Ganacsiga Ee ku yaala Suuqyada waawayn iyadoo Taasi aanay jirin Markii hore ama ay aad u yarayd. Waxaa ay u Sahashay Dad fara badan Barashada Cilmiga Akhriska Quraanka Kariimka ah Ee Tajwiidka Taasoo uu Ku adkaa Markii Hore ku Cel celinta iyo Dhagaysiga Faraha Badan Ee Qaari’yada Ka Baxaaya Idaacada Quraanka. Qur’aanka Kariimka ahi Madaama uu Daawo u Yahay Basharka Mararka qaarkood Idaacada Quraanka Waxaa La Dhagaysiiyaa Dadka Xanuunsan Sida Kuwa Jinka galay, iyo Qaar kale Oo Siyaabo kale u Jiran.

Guud ahaanba Bulshada Somaliland ku Nooli Gobolada iyo Caasimaduba  yar iyo wayn  waxaa ay Haatan Si toos ah ugu Xidhan yihiin Dhagaysiga Idaacada Qur’aanka Kariimka ah Ee Radio Hargeysa iyadoo Sidoo kale Yaraysi Dhagaysiga, Idaacadaha Kale Ee ay Bulshadu aadka u Dhagaysan jireen, Taasoo sahal ah Sida lagu Lagu dhagaysan karo Ruux kastaana uu istcimaalo Aaalada uu Markaa Awoodo sida Radio,ga, Mobile’ka Internet’ka iyo Meelo Kale.

Ka sokoow Faa’iidooyinka Bulshada Somaliland ay Ka Heshay Dhagaysiga Idaacada Qur’aanka Kariimka ah iyo Isbadalka ay Ku keentay Oo aan Lasoo koobi karayn Waxaa  Taa garab socda Dhagaysiga Qawlka Allah,na  Inoogu Sugan Goor kasta Hanuun, Hidaayo Iyo Xasanaad uu Alle Inaga Siinayo  Waynaynta Qawlkiisa (Qur’aanka) Barashadiisa iyo ku Xidhnaantiisa Intaba, Allah Haybaga Dhiggo dhamaan umadeena Muslimka ah Ahlu Qur’aan, Haynaguna Arzaqo  Maalinta Qiyaamana Allah Haynoogu dhiggo Xujo uu Rabi Inoogu danbi dhaafo insha allah.

Qalinkii: Mawliid Maxamed Siciid (M M S).

Wakaalada Wararka Somaliland, Ee (S O L N A).

E-mail

 Mawliidmarshal@gmail.com.