Khudbadihii Xamarje & Xuseen-Xoog Iyo Weedhihii Siyaasadeed Ee Adkaa Ee Ay Ku Ganeen Xukuumada Silanyo

0
853

Picture7Hargeysa(Geeska):-Wasiirkii hore ee wasaarada caafimaadka Somaliland Dr:Xusseen Muxumed Maxamed(Xoog),iyo badhasaabkii hore ee gobalka Togdheer Md:Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi(Xamarji) ayaa si kulul eedaymo ugu soo jeediyey xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),waxaa ay sida oo kale ay sheegeen in aanay aqbali doonin in doorashadu ay hal maalin dib u dhacdo.

Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland Dr:Xusseen Xoog iyo guddoomiyahii hore ee gobalka Togdheer Md:Xamarje,ayaa hadalkan ka sheegay mar ay ka hadlaayeen munaasibad balaadhnayd oo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhawaynaayey Siyaasiyiin hore miisaan culus ugu lahaa saaxada siyaasada,sida oo kalena xilal muhiim ah ka soo qabtay xukuumada KULMIYE,oo ka dhacday hotel Crown ee magaalada Hargeysa.

Dr:Xusseen Xoog oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumada hada joogta ay ka maqan tahay qaybtii dawlad wanaaga lagu qiimayn jiray,isaga oo carabka ku dhuftay in aanay waxba ka qaban musuqmaasuqa,cadaalad la’aanta iyo sida oo kale maamul wanaag la’aanta.

"Dawladnimadu waxaa ay u qabsan taa laba,waa jidh iyo ruux sida dadka oo kale waa jidh iyo ruux,xukuumadan hada jirtaa jidhkii waxbaa ay ka yara qab qabteen,ama ciidan darajadii ha noqoto,lacag giimbaar ah oo la badalay ha noqoto,ama wasaaradaha dhismayaashooda ha noqoto.Waxaasi waa jidh,markaa ruuxdii siday u dhan tahay gabi ahaanba meesha waa ay ka maqan tahay,miyaa la noolaan kara ruux la'aan,jawaabtu waa maya.ruuxdu maxay tahay hadaba,waa hogaamin fiican,waa dawlad wanaaga waa musuq maasuqa la'aanta,waa cadaalada,waa isla xisaab tanka,waa daah fayd naanta.Waxa dawlad wanaaga la yidhaahdo,waxaad mooda xukuumada hada jirtaa in ay ka aradan tahay boqolkiiba Sagaashan marka runta la doonayo,waxaa la aanteedna sida naftu marka ay baxdo jiidhku aanu waxba u ahayn,ee la isaga aaso,dawladnimada iyo qaranimadu waxa ay noqonayaan waxaan la'aasay la'aanted,kola haddii isbadalkii la doonayey aanu dhicin,waxaanu daba soconaa sidii aanu u raadin lahayn isbadalkii,halka ay nala noqotay in aanu ka raadinana WADDANI ayaa ay noqotay.Waxaa aynu nahay wadan danyar ah oo dhaqaale ku filan aan haysan,waxaa aynu nahay wadan aan ictiraaf haysan,marka ay sidaas tahay shaqo la'aantii ayaa inagu badan oo dhalinyaradeena,iyo siday badaha ugu idlaanayaan waad aragtaan,waxaa kaliya ina dhiqi karta dawlad wadata dhamaanba astaamaha dawlad wanaaga,illaa inta la helaayana waa aynu u dagaalamaynaa waa aynu day dayeynaa,waa aynu u guuraynaynaa,waynu u haraadaynaa,waynu u samraynaa,waynu u qaylinaynaa.waxaase halkan aan ka rajaynaynaa in Cabdiraxmaan Cirro Illaahay ku guuleeyo"Ayuu yidhi Xusseen Xoog

Wasiirkii hore ee wasaarada caafimaadka Somaliland Dr:Xusseen Xoog oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dadka uu ugu liito nin dugsada cadaalad darro,qabyaalad iyo musuqmaasuq,waxaana uu sheegay in ay wali raadinayaan isbadalkii ay awalba hore u raadin jiree,isaga sida oo kalena tibaaxay in xukuumadan ay ka waayeen isbadalkii dhabta ahaa ee ay hore u raadin jireen waagii xisbiga KULMIYE uu mucaaradka ahaa.

"Waxaan Tv-ga ka daawanayey nin aan saaxiib dhaw aanu nahay,ehel dhawna aanu nahay,ninkaasi waxaa uu yidhi mid iga qora,waxaad iga qortaan ninka guuray ee Xisbigiisii ka guuray,ee meel kale u guuray,isaga ayuunba wax isyeelay ee ka uu u tagana wax tari maayo,cayn kaas ayaa u yidhi,waxaan leeyahay saaxiib walaahi ninka dulmi dugsaday,ee cadaalad darro dugsaday,ee musuq maasuq dugsaday,ee qabyaalad dugsaday ee ka tagi waayey,isaga ayaa wax isyeelay if iyo aakhiraba.Waanu gad-gadoomaynaa,waanu wareegaynaa,haddii WADDANI iyo Cabdiraxmaan na qancin waayo,waanu ka wareegaynaa,danta qaranka ayaanu u wareegaynaa,isbadalka dhabta ah ayaanu u wareegaynaa,oo ma diin-baa xisbiyadu haddii dadku waxay ka rabeen ay ka waayaan,markaa isbadal ayaa aynu rabnaa.nin baa gabyey oo yidhi haddii Eyrada geel,aarankeedu uu xumaado,Awrkaa loo badalaa".

Guddoomiyahii hore ee gobalka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay,ayaa sheegay in aanay hal maalin oo mudo kordhin ah ka aqbali doonin in xukuumada hada jirta ay ku darsato.“Mudane Madaxweyne waxaan kuu sheegayaa maalinta ay gaadho 26-ka Juun wixii ka dambeeya waad garanaysaa haddaad  maalin ku darsato wixii inoo balan ahaa.taana waxaan ka balanqaadayaa haddii ay 10 ku dhimanayaan iyo hadday 20 ku dhimanayaan ba anagaa kuu codaynay, maalintaanu kuu codaynay waynu isla garanaynaa, wixii ka dambeeya ilama aha inaad xoog nagaga fadhiyi doonto. Waxaan ku kalsoonahay oo aan kugu dhiiri galinayaa Madaxweyne cidkasta oo aad soo sharaxdo ama adigu isa soo sharax ama cid kale soo sharaxoo inaad tartan  xalaal ah soo gasho”Ayuu yidhi Xamarje.

Sidoo kale Md:Xamarje waxa uu Bulshada Somaliland u diray farriin“Shacbi weynaha Somaliland waxaan leeyahay 23-sano ayaynu jirnaa, sida qobtolka la iskugu tol-tolo ayaynu Qaranimada Somaliland iskugu tol-tolay, waxaan u malaynayaa qaylada ka dhacaysa Awdal, ta Saylac ka dhacaysa iyo ta Buuhoodle ka dhacaysa iyo ta Gobolada Sanaag bari ka dhacaysa waad wada Ogtihiin.Waxa muuqata in Qaranimadii qafiiftay, Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaanu kaa doonaynaa wax kasta ha dambeeyaane in Qaranimadii Somaliland la soo celiyo”Ayuu yidhi Xamarje.