Shaqooyin Laga Yaabo In Aanu Damiirkaagu Ku Dhiirradeen Oo Mushaharooyin Yaab Leh Lagu Helay (1)

0
708

Hargeysa (Geeska)- “Waxa aan doonayaa in aan dhakhtar noqdo, aniguna waxa aan doonayaa in aan Injineer noqdo sida aabahay, anigu waxa aan xiisaynayaa in aan ku shaqeeyo qareennimo, anigu sarkaal ayaan noqonayaa” waa su’aalaha dabiiciga ah ee aad filan karto, haddii aad maalin uun koox carruur ah weydiiso bal in ay kuu sheegaan shaqada iyo mihnadda ay doonayaan in ay mustaqbalka shaqadoodu la xidhiidho. Marka loo fiirsado waa arrin yaab leh in la arko carruurtan iyo xataa mararka qaarkood dadka qaan-gaadhka ah oo dhammaantood doonaya in ay qabtaan shaqooyin darajadoodu aad u sarrayso, kuwa aynu kor ku soo sheegnay iyo kuwa kale ee badan ee caanka ahba. Dadka dooranaya shaqooyinkan haddii aad aad u sii dhuuxdo sababta damacooda waxa aad dareemaysaa in aanay ahayn hunguri lacageed oo keliya, waayo waxa aad arkaysaa mararka qaarkood shaqooyinka nadiifta ah ee ay dooranayaan in ay ka dakhli hooseeyaan shaqooyinka hoose ee aanay cidi hunguraynin, ama aanay cidiba u haysan in dadka hayaa ay heli karaan dakhli ka badan kan ay helayaan dadka mihnadaha sare qabta ama dadka aqoonta sare ee jaamacadeed lihi.

Dhinaca kalana waxa aad arkaysaa, shaqooyin caadiya ama aynu nidhaahno ka darajo hooseeya kuwaas aynu kor ku soo xusnay, oo ay dad badani diidayaan ama ka warwareegayaan in ay ka shaqeeyaan; sababta oo ah khatar shaqadan ku jirta, ama heerkeeda bulsho oo waxoogaa hosoeeya. Waxaana dhacdaba mararka qaarkood in aad u naxdo dadka shaqooyinkaas haya, adiga oo u haysta masaakiin haya shaqo dhib badan oo haddana wax-soo-saarkeeda yar yahay, iyada oo laga yaabo in dadka shaqadan hayaa ay ka helaan dakhli dhowr jeer ku soo laaban-laabmaya inta aad adigu ka hesho shaqadaada aad u haysato in ay nadiif tahay ama darajadeedu sarrayso. Wargeyskan Geeska Afrika waxa uu maana akhristayaashiisa u soo ururiyey dhowr ka mid ah shaqooyinka la yaso oo dadka qabtaa ay ku helaan adduun aad uga sarreeya ka ay helaan dadka ku shaqeeya xirfadaha sare iyo shaqooyinka sumcada leh, sirtuna waa keliya in qofku shaqada iimaansado, una arko in ay tahay shaqo dakhli samayn karta, kadibna dadaalkeeda la yimaadda:

1. Nijaar sannadkii dakhligiisu yahay Nus Milyan doolar:

Waxaa laga yaabaa in adiga ama cidda kaa ag dhowi aanay abidkeed habeenna ku riyoon in ay nijaar noqoto, waxaa la og yahay in ay tahay shaqo dhib badan, isla markaana aan laga filan dakhli buuran, laakiin su’aashu waxa ay tahay, Talow aragtidaadaas hore maad beddeli, haddii aad ogaato in dakhliga sannad laha ah ee nijaarku uu Afar ama Shan laab ka badan karo dakhliga tusaale ahaan, dhakhtarka? La soco…