Xikmadda Maanta Iyo Googooska Geeska

0
1463

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa, ereyo xikmadaysan oo laga soo qaatay bulshooyin kala duwan oo dunida ku dhaqan, iyada oo ay ujeedadu tahay in uu akhristayaasha la wadaago faa’idada ku jirta in la barto dhaqannada iyo hal-ku-dhegyada xikmadda leh ee ku jira hiddaha iyo dhaqanka ummadaha inala wadaaga dunida maanta edegga keliya noqotay.

1. Wanaagga:

– Wanaagga ninku waa raganimada, Wanaagga gabadhuna waa hooyonimada, Wanaagga ubadku waa baarrinimada, Wanaagga habeenkuna waa xasiloonida.

2. Luuqadda ugu xoogga badan dunida maantu waa aamuska.

3. Farriinta ugu saamaynta badani waa ilmada (Oohinta).

4. Ku talax tagga (Ku fogaanshiyaha arrimaha qaar):

– Jileeca oo aad ku talax tagtaa waa liidasho, Qosolka oo aad ku talax tagtaa waa xaqiraad, Raaxaysiga oo aad ku talax tagtaa waa fadhiidnimo. Digtoonida oo aad ku talax tagtaa waa shaki, hinaasaha oo aad ku talax tagtaa waa waalli.

5. Karaamada ugu weyn ee qof lagu sheegaa waa edebta.

6. Kelmada ugu adag ee lagu dhawaaqaa waa dhamaystirnaanta.

7. Ereyga ugu macaan ee dhego maqlaan waa nabadda.

8. Ereyga ugu dambeeya adduunku waa geeri.

9. Aarsiga ugu fiicani waa cafiska.

10. Dabka ugu kulul ee qof gubaa waa xiisaha.

11. Cadaabta ugu kulul waa ta damiirka.

12. Jacaylka ugu wanaagsani waa ka bilowda guurka dabadii (Jacaylka xaaskaaga ama saygaaga)

13. Cilmi ka ugu sarreeyaa waa qofka oo ku istaaga halka ay aqoontiisu dhab ahaan joogto. (Waxa aanu aqoonta u lahayn ka joogsada.

14. Dadnimada:

– Dadnimo waxa ugu fiican wejigaaga oo aad dhawrato, adduunyadana u aragto in ay tahay keliya xisaab, maanta u qaado duruus iyo cibro aad wax ku qaadato, shalayna khibrad iyo waayo aragnimo ka qaado. Aragtida aad gudbinsayo iyo fikirkaaga ka fiirso, waayo berri ayey noqonayaan ficil, la mahadiyo ama la qoomameeyo. Ficilladaada ka fiirso, berri ayey caado u noqonayaan ubadkaaga iyo inta aad xidigga u tahay.