Awoodda Dumarka Ee Diblomaasiyada Qaramada Midoobay Oo Korodhay

0
761

haeenka

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay awooda dumarku soo kordhayso marka la eego kuraasida ay Qaramada Midoobay kaga fadhiyaan wakhtigan.

Xarumo ay raggu wakhtiyo ku badnaayeen oo ah  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hadda waxaa jooga dumar badan.

Hadaba saamayn ma ku leedahay diplomaasiyada ay samaynayaan madaxda sare?

Markii Madeline Albright ay ahayd wakiilka Qaramada Midoobay ee Maraykanka, markay ka hadli jirtay kooxda G7 kama wadin, toddobada waddan ee ugu dhaqaalaha badan ee G7, waxay ka hadlaysay tirada dumarka safiirka ee Qaramada Midoobay. 1990-meeyadii markii Albright ay odhan jirtay hala iskugu keeno dumarka shir, laba baabuurta VIP ee limousineska ayaa shirka keeni karayay safiirada dumarka ee Qarama Midoobay.

Hadda waxay u baahan yihiin baabuuro badan, 31 haween oo ah wakiilo joogto ah ayaa jooga, waa tiradii ugu badnayd taariikhda Qaramada Midoobay. Waxaa sidoo kale muhiim ah dumarka ayaa fadhiya lix kursi ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka kala socda Argentina, Urdun, Lithuania, lexemberg, Nigeria iyo Maraykanka.

Taas ayaa ah tiradii ugu banayd ee Golaha Ammaanka oo laga sameeyo go'aanada muhiimka ah.

Sanadihii ugu danbeeyay oo kaliya ayaa dumarka ay heleen tiradii ugu muhiimsanayd ee Golaha Ammaanka. Sanadkii dhawaa ee 2010-ka waxaa ku jiray Golaha Ammaanka saddex dumar ah oo kaliya. Sanadkan markii tirada ay gaadhayy shan, taasoo ah saddex meelood meel waxaa loo arkay inay ahayd guul. Hadda waxay gaadheen lix.

Haddaba siday dumarka ku batay Golaha Ammaanka u saamaysay Diplomaasiyada "Waxaan u malaynayaa si fiican ayaanu wax u dhagaysanaa" ayay sheegtay Samantha Power, oo ah wakiilka joogtada ee Qaramada Midoobay u fadhida Maraykanka, oo sheegtay feejignaanta inay tahay wax ka mid ah dimlomaasiyada. "Waxaan arkay in dumarka ay qortaan waxyaabo badan."

Safiirka Nigeria, Joy Ogwu, ayaa u aragta dumarka la shaqeeya "walaalaheed caalamiga ah". Waxay ahayd wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Nigeria, oo ku leh xushmo Golaha waayo aragnimadeeda. Waxay aaminsantahay Dumarka ku soo batay diblomaasiyada caalamiga inay tahay horumar wanaagsan:" Dumarka ayaa si qoto dheer u yaqaana sida loo xaliyo dhibaatooyinka"

Safiirka joogtada ee Qaramada Midoobay ee Urdun, Dina Kawar, oo ah gabadhii ugu danbaysay ee ku soo biirta Golaha, ayaa waxay aaminsan tahay in dumarka diblomaasiyiinta ay u shaqeeyaan si ka duwan nimanka. "Dumarka ayaa waqti badan dood sameeya, waxay doonaan inay helaan xal" ayay sheegtay. " Markaan la kulano dhibaatooyin, waxaan nidhaahnaa waa inaan wax ka qabanaa, waxaa jira hami in xal loo helo."

Ma aha in dumarka iyo carruurta la iloobay intaanay safiirada dumarka ku soo badan Golaha Ammaanka, laakiin diblomaasiyiinta ayaa sheegay in ay muhiimad dheeraad ah ay ku yeesheen waxa laga hadlayo.

Doodaha howlgalada nabadilaalinta ee ka socda adduunka, safiirka Luxembourg Sylvie Lucas, ayaa waxay ay si joogta ah u sheegtaa in loo baahan yahay ka qaybqaadashada dumarka.

Xigasho BBC Somali