Save The Children Oo Abaal Marin Gudoonsiisay Siyaasi Ku Lug Lahaa Dhimashada Malaayiin Carruur Ah

1
891

Picture5Washington (Geeska)- Hayadda caalamiga ah ee badbaadada carruurta ayaa fadeexad aad u weyn kala kulantay cugashadeeda ay raysawasaarihii hore ee Ingiriiska Tonny Blair u dooratay in uu noqdo shakhsiga sannadkan 2014ka mutaysanaya abaal marinta caalamiga ah ee ay siiso dadka wax ka tara hawlaha badbaadada ubadka ee ay hayaddu qabato. Dad aad u badan oo arrintan ka biyo diiday ayaa waxaa ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala iska haayaddan. 200 oo ka mid ah shaqaalaha caalamiga ah ee hayaddan oo magaceeda afka qalaad lagu yidhaahdo Save the children ayaa qoray warqad ay ku caddaynayaan in cugashadaasi ay tahay arrin damiirku diidayo. War arrintan la xidhiidha oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay ilo kala duwan oo uu ka mid yahay wargeyska The Guardian ayaa intaas ku daray in ay jirto warqad kale oo ay saxeexeen 90 kun oo ah shaqaalaha hawlaha gargaarka, oo iyaguna dalbanaya in haayaddu ay dib-ula noqoto abaal marinta ay siisay Tony Blair. Warqaddan cambaaraynta ah ee ay qoreen shaqaalaha Save the Children oo ay ku jiraan masuuliyiin sare oo heer gobol ah ayaa ay ku yidhaahdeen, “Abaal marinta 19kii Noofamber lagu soo bandhigay New York, waxa ay khatar ku tahay sumcadda hawlaha samofalka.. abaal marintan waxa aanu u aragnaa in aanay ku habboonayn, khiyaamana ku tahay mabaadii’da iyo qiyamka lagu dhisay hayadda Save the Children”

Sida ay hayaddani ku doodayso Blair waxa uu abaal marintan ku mutaystay dadaalkii uu dalalka G8 ku bahoobay ku qanciyey in ay laban-laab kordhiyaan caawimadooda Afrika, dalalka qaarna deynta ka saamaxaan, sannadkii 2005ta oo ay ku kulmayeen magaalada Gleneagles ee Scotland iyo barnaamijyada uu ururkiisa The Africa Governance Initiative kala shaqeeyo dowladaha Afrika.

Si kastaba ha ahaato ee fadeexadda hayadda Save the Children oo dhowaan la baxday STC ka soo gaadhay in ay abaalmarintan siiso Tony Blair oo kaalin ku lahaa qorshihii dagaalkii gacanka kadib cuna-qabataynta lagu saaray dalka Ciraaq oo ay Qaramada Midoobey qirtay in cuna-qabatayntaas muddadii ay jirtay, ay darteed bil kasta u dhiman jireen 6 kun oo carruur ahi, iyo weliba dagaalkii uu hormuudkiisa ka mid ahaa ee dalka Ciraaq isaga iyo Bush ku qaadeen sannadkii 2003da, oo ay ku dhinteen boqollaal kun oo ubad aan waxba galabsan ahi. Illaa haddana sababo la xidhiidha raadadka suntii ay dagaalkaas u isticmaaleen ay sannad kasta u dhintaan 35 kun oo carruur ah, afartii kasta ee carruur ahna mid ka mid ahi uu dhasho isaga oo naafo ah ama abuurkiisu aanu jidh ahaan ama maskax ahaan dabiici ahayn.

Dadka sii baadhay sababta lagu xidhiidhin karo in hayaddani dhiigyo cabkan ay siiso abaal-marintan ayaa ku doodaya in agaasimaha guud ee hayadda Save the children Justin Forsyth uu ka tirsanaan jiray xafiiska Tony Blair ee No. 10 Downing Street xilligii uu raysalwasaaraha ka ahaa dalka Ingiriiska, arrintaas oo sababta Blair loogu doortay abaal-marintan gelin karta shaki ah in ay tahay abaal-celin siyaasi ah. Waxaa shakiga sii xoojinaysa agaasime Forsyth oo isaga qudhiisa sannadkii hore shaki weyn la geliyey hufnaantiisa maadaama oo uu haayaddan ku shaqaysa qaadhaanka dadka laga ururiyo, uu ka qaato mushahar aad u badan, waxaana dib-u-eegis lagu sameeyey lacagta ka soo gasha hayaddan kadib markii la ogaaday in uu mushahar sannadkii u qaato lacag ka badan 255 kun oo doolar, iyo weliba gunno uu ku magacaabo hawl-gudasho oo dhan 34 kun iyo 500 oo doolar. Agaasimaha oo keliya ma’aha masuuliyiinta Save the Children ee ay Blair siyaabo kale isugu xidhan yihiin, waxaa kale oo ka mid ah madaxa maaliyadda ee Save the Children Sam Aharpe oo dalka Ingiriiska muddo 30 sano ka shaqaynayey barnaamijka xukuumadda ee horumarinta, waqtigaas qayb ka mid ahna hoos imanayey Tony Blair oo raysawasaaraha ahaa iyo Fergus Drake oo isna mar ka shaqayn jiray xafiiska la-talinta ee Tony Blair gaar ahaan dalka Rwanda oo uu Blair la talinayey madaxweyne Kagame. Samantha Cameron oo ah xaaska raysalwasaaraha hadda e Ingiriiska ayaa iyaduna ah danjiraha haayaddan u qaabilsan dhinaca Suuriya.

Xildhibaan George Galloway oo ka tirsan baarlamanka Ingiriiska ayaa mar uu arrintan ka hadlay waxa uu boggiisa twitter ka ku yidhi, “Abaal marinta ay sida yakh-yakhsiga leh Save the Children u siisay Dhallaan-dilaha Tony Blair darteed, dadka sida saxda ah u fikiraa waa in ay haayaddan caawimadeeda joojiyaan” Agaasimaha haayadda u dooda xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch, ayaa isna bartiisa twitter ka ku yidhi, “Maadaama oo uu ninkan (Tony Blair) difaaco keligii taliye kasta oo lacag siiya, waxaa wax aan la fasiri Karin ah in Save the children ay abaal marin siisaa” Qoraal dheer oo uu arrintan ka diyaariyey Felicity Arbuthnot oo ay baahisay shabakadda http://www.globalresearch.ca ayaa uu isaguna ku yidhi, “Taas (Abaal marinta aad bixiseen) ku qanciya, dadka waaxyuhu go’an yihiin, dagaalladu caydheeyeen, ee isla-hadlaya ee ku nool Ciraaq iyo Afqaanistaan. Meel kasta u qaadan waa ayaa lagu qaabilay arrinkan”

Tony Blair tan iyo maalintii uu ka degey kursiga raysalwasaaraha Ingiriiska sannadkii 2007da waxa uu ahaa ergeyga Qaramada midoobey, Maraykanka, Midowga Yurub iyo Ruushka u qaabilsan dhex-dhexaadinta Falastiiniyiinta iyo Israa’iil laakiin mar kasta waxaa ka muuqata in aanu qaddiyaddan dhex-dhexaad ka ahayn oo uu si cad ula safan yahay Yuhuudda, waxaana la yaab noqotay markii uu erey ka odhan waayey dagaalkii Israa’iil ku qaadday marinka Qaza oo ay ku dhinteen carruur ka badan 500.

Haayadda Save the children oo ka shaqaysa dunida inteeda badan ayaa muddooyinkii u dambeeyey si joogto ah lugaha ula galaysay fadeexado wax u dhimaya sumcaddeeda, isla markaana meesha ka saaraya kalsooni lagu qabi karo hawlaha samofal ee ay waddo, sannadkii 2011kii ayaa ay ahayd markii ay soo baxday in haayaddan oo la shaqaynaysay sirdoonka Maraykanka ee CIA ay tallaal been abuur ah oo lagu baadhayo dhiigga dadka deggen guriga lagu dilay hoggaamiyihii Al-Qaacida u dirtay dhakhtar reer Pakistan ah magaalada abbottabad, hawshaas oo suurtogelisay in la garto guriga uu Usaama deggen yahay, kadibna la dilay ayaa haayadda sumcaddeeda madow badan gelisay. Ugu dambayntiina waxaa la yaab leh in haayaddan ooh al-ku-dheggeedu yahay, “Ilmo dhashay yaanu dhiman” ay haddana u badheedhay in ay abaal marin iyo kharash loo soo ururiyey daryeelka ubadka dunida ku tabaalaysan ku bixisay hoggaamiye la og yahay in siyaasadihiisu ay sabab u noqdeen dhimashada malaayiin carruur yaryar ah, illaa haddana u dhintaan, waxa aanay mar labaad soo celinaysaa doodda la xidhiidha in ay haayaddu ay raad ku leedahay siyaasadda oo ay ahayd in ay ka dheeraato.

 

Comments are closed.