Wefti Ka Tirsan Hay’adda WFP Oo Safar Shaqo Ku Tagay Gabiley

0
713

Picture4Hargeysa (Geeska)-Wefti ka tirsan Hay’adda Cunta Adduunka ee WFP ayaa  safar shaqo ku tagay Gobalka Gabiley, weftigan oo uu hogaaminayo Maareeyaha Hay'adda Xidhhiidhinta Raashinka Somaliland, Yuusuf Cismaan Garas, oo uu weheliyo madaxa Xafiiska Hay'adda WFP ee Somaliland Mr. Achille Aka. waxaana si weyn u soo dhaweeyay una qaabilay Badhasaabka Gobalka Gabiley.
Maareeyaha Hay'adda Xidhhiidhinta Raashinka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, oo ay socdaalkiisan ku weheliyeen masuuliyiin ka mid ah Hay'adda oo uu ka mid yahay Yuusuf Daa'uud, ayaa ka waramay ujeedadda uu daaranaa safarkoodan shaqo, isaga oo xusay in Ujeedadda safarka ay ku tageen Gobalka Gabiley, ay ahayd sidii ay xukuumaddu u dhiiri-gelin lahayd wax-soo-saarka  beeralayda dalka, iyo sidii raashinka ay soo saaraan beeralayda dalku ay uga iibsan lahayd Hay'adda WFP.
Maareeyaha Hay'adda Xidhhiidhinta Raashinka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, oo arrimahn faah-faahinayaa waxa uu hadalkiisii ku bilaabay, ''Xukuumad ahaan waxa naga go'an sidii aanu u dhiiri-gelin lahayn wax-soo-saarka beeralayda dalka, Xukuumad ahaan waxa aanu ku qancinay Hay'adda WFP, in ay dhiiri-geliyaan wax soo saarka beeralayda dalka, oo ay Hay'adda WFP. ka iibsato beeralayda dalka raashinka ka soo go'a, beerahooda. Arintaasna si rasmi ah ayaanu Maanta guul uga gaadhnay, Badhasaabka Gobalka Gabiley-na xafiiskiisa ayuu nagu qaabilay, Madaxdii Hay'adda WFP, way nala qaateen arrintaas, wxaanay noo cadeeyeen in ay diyaar u yihiin iibsashada cuntada wadaniga ah ee aynu beerano''.
Maareeyuhu, waxa uu soo jeediyay beeralayda sida ay lagama maarmaanka u tahay in beeralaydu ay muujiyaan dadaal iyo xilkasnimo dheeraad ah, isla marakaana looga baahan yahay in ay awoodooda isugu geeyaan sidii ay u soo saari lahaayeen raashin badan.
Sidoo kale, Maareeyuhu, waxa uu kula dardaarmay beeralayda in ay illaaliyaan tayada raashinka, oo marka dalaga la jaro ay waajib tahay in la dhigo meel nadiif ah oo aanay waxyeelo ka soo gaadhayn.
Maareeyaha Hay'adda Xidhhiidhinta Raashinka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, waxa uu tibaaxay in fursadani ay tahay markii u horaysay ee Hay'adda WFP, lagu qanciyo in ay beeralyda dalka ka iibsato cuntada wadaniga ah ee ay soo saaraan, iyada oo Hay'adda WFP, ay raashinka ka soo iibsan jirtay dibada.
Ugu danbayntii, waxa uu Maareeyuhu si weyn ugu mahad-celiyay Badhasaabka Gobalka Gabiley,sidii wanaagsanayd ee uu u soo dhaweeyay wefigoodan iyo sida uu ugu gacan siiyay safarkoodan wax ku oolka ah ee shaqo ee ay ku tageen Gobalka Gabiley. Arrintan ayaa noqonaysa mid fursad dahabi ah u ah beeralayda dalka, taas oo la filayo in ay si caaqiibo leh u dhiiri-gelin doonto kordhinta wax-soo-saarka beeralayda, waxaana talaabadan si diiran u soo dhaweeyay beeralayda, iyaga oo uga mahad-naqay masuuliyiintan dadaalada ay ugu jiraan dhiiri-gelinta wax soo saarka beeralayda.