Murashaxa Xukun Cali Sheekh Oo Qaadacday Natiijada Ka Soo Baxday Shir Ay Qabsatay Beesha Guuyoobe

0
812

Picture2Hargeysa(Geeska):-Xukun Cali Daahir Sheekh Xasan oo ah murashaxad u taagan xildhibaanada golaha baarlamaanka Somaliland ayaa sheegtay in ay qaadacday natiijada ka soo baxday shir beesha ay ka  soo jeedo ee Maxamed Daa’uud(Guuyoobe) ku qabsatay magaalada Qotan dabo.waxaana ay sheegtay in shirkaas la marin habaabiyey isla mar ahaantaana iyada oo aan la isku ogayn in arrimo murashaxnimo lagaga hadlo lagu doortay nin ay sheegtay in uu ka yimi dalka Ingiriiska,iyada oo tibaaxday in ay iyadu tahay murashaxad u taagan golaha baarlamaanka Somaliland,waxba kama jiraana ku tilmaantay natiijadii ka soo baxday shirkaas.

Xukun Cali Daahir Sheekh Xasan ayaa hadalkan ka sheegtay mar ay la hadlaysay qaar ka mid ah warbaahinta waxaana ay tidhi,waxaana ay ugu horeyn ay faah faahin ay ka bixisay u jeedoyinkii loo shirka loo qabanaayey.“Aniga oo ah Xukun Cali Daahir Sheekh Xasan oo ah xildhibaan golaha baarlamaanka u taagan oo murashax ah,waxaan ka soo jeeda beesha Maxamed Daa'ud ee Guuyoobe,waxaanu qabsanay shir ay beeshu leedahay,oo Maxamed Daa'uud oo dhami ay u dhan yihiin bari iyo galbeed-ba,shirkaasna waxaa lagu qabtay magaalada Qotan dabo,saddexdii maal mood ee u danbeeyeyna waa uu socday,waan ka qayb galnay,shirkaas waxa aanu kagaga hadalnay in aan lagaga hadli karin wax murashaxiin ah,oo odhan kara waxaanu nahay murashaxiin,oo dhanaya waxaanu doonaynaa in aanu ka qayb galno golaha baarlamaanka ee wakhtiyada soo socda la qaban doona.markaa waxa nalagu yidhi gabi ahaanba arrimaas kama hadli kartaan,kaliyaata waxaa aanu ka hadlaynaa midnimada reerka iyo sidii looga shaqayn lahaa horumarkiisa oo qudha,waxii ka danbeeyaha murashaxnimada waxii murashaxiin ah gaar ayaa looga hadli doona,arrintiina sidii ayaanu kaga soo tagnay”Ayey tidhi Xukun Cali Daahir.

Xukun Cali Daahir Sheekh Xasan oo hadalkeed sii wadata ayaa waxaa ay tidhi:“Xalay waxaa na soo dhaafay nin ka yimi London oo waxaa uu Sagaalkii habeenimo nagu dhaafay dhexda,deedna shirkii qorshahii uu ahaa in sidii laysku ogaa lagu soo xidho,in aanu la kulanay shirkii oo la badalay,oo dad la doortay,oo waxbaa la qori tuuray oo la yidhi ninkii London ka yimi ayaa la siiyey,murashaxii beesha in uu noqdo,anaguna waxaanu ahayn shan qof oo afar rag ah iyo aniga markaa waanu qaadacaynaa shirkaas,maadama oo aanu markii hore sidaas ku ogayn se markii danbe la majara habaabiyey maantana markii aanu damacnay in aanu ka hadalno shir guddoonkii meesha joogay uu noo diiday,in aanu afkaartayada aanu halkaas ka sheegno.Markaa shirkaas waanu ka soo horjeednaa,waanan ka soo tagay,murashax taagana waan ahay .shirkaana wax Allaale iyo wax nooga soo baxayna ma jirto,shirkasna wax Allaale iyo wax ka soo baxayna ma jiro oo la isku raacay”.