Habluhu Waxa Ay Raad Weyn Ku Leeyihiin Fikirka Siyaasiga Ah Ee Aabahood, Wiilashuna Hooyooyinkood

0
751

London (Geeska)- Cilmi baadhayaal ku xeel dheer xidhiidhka bulshada ayaa ogaaday in habluhu aanay keliya qabsan kalgacalka aabayaasha balse ay u dheer tahay in ay raad ku yeeshaan xattaa mawaaqifta siyaasiga ah ee ay qaadanayaan. Jariiradda Daily Mail oo ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa xustay, cilmi baadhis cusub oo lagu ogaaday, mar kasta oo uu aabahuhu dhalo inan (gabadh) in uu u janjeedhsado siyaasadaha loo yaqaanno dhanka bidixda. Professor Andrew Oswald oo ka tirsan jaamacadda Varroyk oo ku taalla dalka Ingiriiska iyo Dr. Nattafud Baodthavi oo ka tirsan jaamacadda York ayaa sheegay in daraasaddan ay ku ogaadeen hablo oo uu siyaasigu dhalaa in ay ku keento inuu aamino siyaasadahaa garabka bidixda. Waxa ay daraasaddu tusaale u soo qaadatay hoggaamiyihii hore ee xisbiga shaqaalaha dalka Ingiriiska John smith oo aabo u ahaa 3 hablood, waxa kale oo ay tusaale u soo qaadatay xaaska raysalwasaarihii hore ee ingiriiska Tony Blair, aabaheed oo sida la sheego tan iyo dhalinyaronimadiisii aad u taageeri jiray xisbiga shaqaalaha oo aaminsan siyaasadaha garabka bidixda.

Daraasaddan uu Geeska Afrika ka soo xigtay Daily Mail waxa ay iftiimisay in kadib baadhitaanno badan oo lagu sameeyey dad badan oo noocan ah lagu ogaaday in habluhu ay aabayaashood ka dhigaan kuwo u janjeedha dhanka bidixda halka wiilashuna inta badan ka dhigaan kuwo u janjeedha fikradaha dhanka midigta. Dr. Oswald oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi, "Waxaa caddaatay in marka uu aabuhu dhalo ubad dheddig ah uu si tallaabo tallaabo ah u bedelo mawqifyadiisa siyaasiga ah, waxa ay aad ugu soo dabcaan kalgacalka iyo naxariista ay u hayaan dhedigga, waxaana la arkaa iyaga oo u doodaya" Dr. Oswald oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray, "Waxa ay ku dambeeyaan siyaasadaha dhanka bidixda, halka hooyooyinka dhala wiilasha badani ay u baydhaan siyaasadaha dhanka midigta inta badann ay u doodaadn danaha ragga" Digtoorka ayaa intaas ku daray, "Tani ma'aha aragti malo-awaal ah iyo qiimayn lagu sameeyey keliya dareenka, balse waxa jirta in ubadka wiilasha ahi ay aragtida iyo aaminsanaanta ehelkooda, waana aragti cilmi ah, waalidkuna awood uma laha in sida uu doono uu u beddelo dareenkan"

Daraasaddani waxa ay sidoo kale ka heshay taageero daraasad kale oo lagu sameeyey dalka maraykanka, Rebecca Warner oo ka tirsan jaamacadda Oregon ee dalka Maraykanka iyo Ibonia Washington oo ka tirsan jaamacadda Yale ee dalka Maraykanka ayaa xilliyada doorashooyinka dabagal dheer ku sameeyey codaynta siyaasiyiin badan ka hor intii aanay ubad dhalin iyo marka ay aabbo noqdeen ba, waxa ay labadan aqoon yahan sheegeen in si ka duwan hooyada uu Aabuhu nafsi ahaan u aaminsan yahay in ilmihiisa inanta ah ay hortaallo nolol dhib badan oo badanaa dumarka u daran, taasina ay aabaha ku keento in uu u soo dabco dumarka iyo guud ahana siyaasadaha u janjeedha danahooda.

Xusuusin: Siyaasadda bidixdu waa aragti siyaasi ah oo aaminsan in bulsho lagu sameeyo is beddel keena sinnaanshiyo bulsho, lagana takhaluso kala sarraynta bulshada.