Akhri Oo Ha Qoslin: Subxaanalaah; Xadiyooy Maxaa Lala Fadhiisan?

0
941

Hargeysa (Geeska)- maanta wargeyska Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa la wadaagayaa qisadan maadayska ah: Waxaa la sheegaa in oday aad u Cibaado badnaa uu maalin maalmaha ka mid ah, xaaskiisii ku yidhi aynu wada tukanno salaadda. (Isku jamacsanno). Islaantii oo ogolaatay dalabkii odaygeeda ayaa markii ay galeen salaaddii uu saygeedu imaamka ahaa, inta ay sahwiday (Is-illowday) halkii ay ka akhriyi lahayd faataxada waxa ay ku bilowday oo ay akhriday Attaxiyaadkii. Odaygeedii tukinayey ayaa maqlay in Islaantiisan ku daba tukanaysaa ay Sarajoogga ku Attaxyaadsanayso. Markaasuu is yidhi, sax.

Odaygu waxa uu hore cilmi dhagood ugu maqlay, in marka Salaadda lagu jiro ee la khaldamo la yidhaahdo Subxaanalaah, markaasuu yidhi, “Subxaanallaah” Laakiin intaa kuma uu joogsan ee waxa uu ku daray, “Xaddiyooy maxaad la fadhiisan” Islaantii ayaa maqashay ereyada Xaajigeeda tukinaya, maadaama oo ay u haysatay in haddii mar ay Akhriday Attaxyaadkii aan laga ogolaanayn in ay ku celiso, isla markaana u haysata in salaadda lagu dhex hadli karo sida xaajigeeduba yeelay, balse ay tahay uun in hadalka laga horreysiiyo, ‘Subxaanallaah” ayaa ugu jawaabtay, “Subxaanallaah Xaaji, Salliga nebigaan la fadhiisan”.