Raysalwasaare Facebook U Miciinsaday Xulashada Iyo Magacaabista Xubnaha Golihiisa Wasiirrada

0
624

Picture7

Sanca (Geeska)- Raysalwasaaraha cusub ee dalka Yemen ayaa saaxiibbadiisa bar-kulanka bulshada ee Facebook ka codsaday in ay u soo gudbiyaan magacyada dadka ay is leeyihiin waxa ay ku habboon yihiin in lagu daro golaha wasiirrada ee xukuumaddiisa cusub. Codsiga raysalwasaaraha waxaa ka soo jawaabay dad tiradoodu kor u dhaaftay 13 kun oo qof, waxaana dalabkiisan ka dhashay doodo xiiso badan iyo falanqayn adag oo siyaabo kala duwan loogu eegayo illaa xadka ay waxtar leedahay in bar-kulanka bulshada ee facebook loo adeegsado dhismaha xukuumadda cusub ee dalkaas.

Raysalwasaare Khaalid Maxfuud Baxaax ayaa horraantii bishan Kow iyo Tobnaad, codsigan u baahiyey dadka tiradoodu kor u dhaaftay 33 kun ee saaxiibka kula ah bar-kulanka bulsho ee facebook. Qaar badan oo dadkaas ka mid ah ayaana si weyn ugu bogay una soo dhoweeyey dalabkan raysalwasaaraha oo lagu tilmaamay kii ugu horreeyey noociisa ee dunida oo dhan ka dhaca. Waxa aanay ku doodayaan in shacabka oo qaabkan loola tashadaa ay kor u qaadayso kalsoonida ay muwaadiniintu hadhow ku qabayaan xubnaha golaha wasiirrada ee uu soo dhiso iyo in ay isu arki doonaan in lagala tashanayo mustaqbalka talada dalkooda. In kasta oo muwaadin dadka ka jawaabay dalabkan ka mid ahaa uu si kaftan ah raysalwasaaraha ugu qoray, “Fadlan wasiirro inooga doon dalka Shiinaha”

Si kastaba ha ahaato ee waxa ay dad badani si togan u eegayaan in siyaasi dunida saddexaad ahi uu sidan furan ula haasaawo muwaadiniintiisa isaga oo weliba ka talo gelinaya golihiisa xukuumadda kana dalbanaya in ay bal u soo jeediyaan magacyada siyaasiyiinta waaweyn ee dalka ee ay is leeyihiin waa ay ku habboon yihiin in ay xil wasiir ka qabtaan golihiisa xukuumadda oo laga sugayo in ay dalkaas ka saaraan xaaladaha cakiran iyo jaahwareerka siyaasiga ah ee uu dhex muquurtay.