Xoggo Laga Helay Dacwad Musuqmaasuq Oo Ka Xaraysan Maxkamad Ingiriis Ah Oo Lugaha La Gashay Guddigii Hore Ee Doorashooyinka & Lacagaha La Kala Qaatay

0
493

7

Hargeysa(Geeska)-Wargeysyada ugu caansan dalka Kenya ee Daily Nation iyo The East African, ayaa toddobaadkan u dambeeyay daabacayay xogo ay ka heleen dacwad ay dawladda Ingiriisku, gaar ahaan xafiiska la dagaalanka musuqu ku oogay shirkadda lagu magacaabo Smith and Ouzman Limited, oo ah shirkadii daabacday waraaqihii doorashooyinkii madaxtooyada iyo goleyaasha deegaanada Somaliland ee u dambeeyay.

Dacwadda shirkan ku socota ayaa ah inay laaluushtay saraakiisha afar dal oo kala ah Gaana, Kenya, Muratania iyo Somaliland si ay u qaadato qandaraaska daabicista waraaqaha cod bixinta ee wadamadan oo qabtay doorashooyin. Wargeysyada Kenya waxay soo bandhigeen xogo ay ka heleen maxkamada Ingiriiska ee dacwada dhagaysanaysa oo ah xadiga lacageed ee guddiyadii doorashooyinka ee dalalkan iyo saraakiil kale ay shirkadda Smith and Ouzman Limited siisay.

Kenya:

Sida ku cad dhukumentiyada maxkamadda Kenya waxa ay shirkaddani guddigii doorashada ee Kenya laaluush ahaan u siisay $ 545,091 (Shan boqol, afartan iyo shan kun iyo koow iyo sagaashan dollar) si ay ugu guulaysato qandaraaska daabacadda waraaqaha doorashada iyo aftidii distoorka. Wakiilka shirkaddan u jooga Kenya waxa uu ahaa Trevy James Oyombra, oo ah ninka laaluushka fududeeyay.

Somaliland

Somaliland, qandaraaska agabka doorashadu waxa uu dhamaa 1 Milyan oo Dollar, oo lagu eedaynayo in $ 32,000 (Laba iyo soddon kun oo Dollar) oo laaluush ah laga siiyey Cabdi Cumar  oo isna dhankiisa $12,314 (Laba iyo toban kun, saddex boqol toban iyo afar dollar) oo lacagtaas ka mid ah sii siiyey masuuliyiin musuqmaasuq ah oo uu gacan saddexaad u sii mariyey. Abdi Cumar, ayaa ahaa wakiilka shirkadan ee fududeeyay laaluushka. Waxaana si cad loo ogyahay in shirkadani soo daabacday waraaqihii doorashooyinkii madaxtooyada iyo deegaanadii u dambeeyay lagu galay. Guddigii hore ee doorashooyinku weli kamay hadal eedahan.

Murutaaniya

Murataaniya, $ 76,182.83 (Lix iyo toddobaatan kun iyo boqol iyo saddex iyo sideetan dollar) ayaa la sheegay in lagu laaluushay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha,

Gaana

Gaana, qandaraasyada qiimahoodu waxa uu dhamaa $ 426,140. Xaddi dhan 38,403 waxaa la siiyey Bill Amarteifio, oo ah wakiilka shirkadda ee dalka Ghana, iyo lacag dhan $19,344 oo la siiyey Elliot Agyare, ninkaas oo la faray in uu laaluush siiyo masuuliyiinta golaha imtixaanaadka ee galbeedka Afrika oo magaciisa loo soo gaabiyo WAEC, intii u dhaxaysay Bishii January iyo September 2009.

Nicholas Smith, Timothy Forrester and S&O ayaa iyagana lagu dacweeyey inay soo agaasimeen in laaluus la siiyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Muritaaniya, arrintaas oo la xidhiidhay soo daabicidda waraaqaha cod-bixinta. Wakiilka S&O ee dalka Muritaaniya waa Karim Reaich,

Qandaraasyadan oo qiimahoodu ahaa $ 902,069.75, lacagtaas oo shirkaddan Ingiriiska ah lagu eedaynayo in ay laaluus ahaan uga bixisay $76,182.83 oo la siiyey xoghayaha guud ee Mohamed El Hadi Macina.

Gunaanad

Dalka Kenya ayaa laga mamnuucay shirkadani inay mar dambe soo daabacdo waraaqaha doorashada, waxaana magaceeda la geliyay liiska madoow. Laakiin guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland oo la filayo in toddobaadka dambe la ansixiyo ayaan la garanayn inay iyaguna go’aan adag ka qaadan doonaan shirkadan iyo inay sidii hore ula macaamili doonaan.