“Kuwii Kulmiye Ku Jiray Iyo Kuwii Aan Wali Xisbi Gelin, Dhammaantood Waxa Ay Ku Soo Socdaan Xisbiga Waddani”

0
522

6

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa XIsbigiisa ku tilmaamay inuu yahay Xisbi ay Shacabka reer Somaliland oo dhami ay leeyihiin, oo aan ku koobnayn qabiil qudha, ama deegaan qudha.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa sidoo kale ka hadlay Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin miisaan culus ku leh Somaliland horena uga tirsanaa Xisbiga Kulmiye, xilalna ka soo qabtay Xukuumaddan oo khamiista beri  ku biiraya Xisbiga Waddani.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo saxaafada la hadlay ayaa sidoo kale ka hadlay Cashuurta ay Xukuumaddu ku soo rogtay Warbaahinta, waxaanu xaaran iyo sharci daro ku tilmaamay in Cashuur walba oo aan soo marin Golaha, isla markaana aanay waxba ka jirin.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay kulan uu Shalay la yeeshay Wefti ka socda Ingiriiska, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen arimo dhawr ah oo ay ka mid yiihin iskaashiga labada dalka iyo xaalada uu dalku ku sugan yahay, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay  “Asxaabta sidooba waxa loo sameeyey Xisbiga Waddani oo qudha maaha inaynu kaga baxno qabyaalada,sida Xisbi Qaran, waxa loo yareeyey oo loo koobay ayaa ah inaynu kaga baxno Qabyaalada, mabda loo sameeyey ayaa kaas ah, Shuruucda dhammaantooda ayaana ah in Xisbina aanu noqon karin deegaan gaar ah, ama cid gaar ah, taasina inay been tay waxa ku caddeynaysa in Waddani markii uu ahaa Ururka oo Degmo walba kaalinta kowaad ama kaalinta labaad galay ayuu ahaa, ee reerkaygu intaas oo dhan ma dego ee Shacabka Jamhuuriyada Somaliland ayaa soo saaray, waxaana is leeyahay dacayadaas Telefishinka Qaranka, iyo Wargeyska Dawladda iyo qaar kale oo Xukuumadda taageersan ayaa laga yaaba inay arintaas faafiyaan, Shacabka Somaliland wey og yihiin”

 Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa mar uu ka hadlaayey Siyaasiyiin ku soo biiraysa beri khamiista ayaa yidhi “Khamiista waxa ku soo biiraya dad Somaliland wada garanayaan, oo aan deegaan qudha wada ahayn, oo Siyaasiyiin ah, oo walibana ka tirsanaan jiray Xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo xilal muhiim ah ka soo qabtay, dadka iyo shacabkuna wada garanayaan, markaas dadku halkan ayey ku soo socdaan, kuwii kulmiye ku jiray iyo kuwii aan wali Xisbi gelin, dhammaantood waxa ay ku soo socdaan Xisbiga Waddani, waxayna u arkaan Xisbiga qudha ee ay ku badbaadayso Somaliland, inuu yahay Xisbiga Waddani, Xisbiga Waddanina waxa uu caddeynayaa inuu dhammaan Shacabka reer Somaliland leeyahay, anigu Guddoomiye ayuun baan ka ahay ee Shacabka ayaa leh, taasna maragiisa Khamiista ayaad daawan doontaan, haddii ILLAAHAY SWT yidhaahdo”.

Cabdiraxmaan Cirro mar uu sharci daro ku tilmaamay Cashuurta ay Xukuumaddu ku soo rogtay Warbaahinta dalka ayaa yidhi “Marka ay dhinaca Sharciga noqoto Cashuuraha Xukuumaddu wey soo jeedisa, haddii Cashuur cusub la xalaaleeynayo, markaas haddii Cashuurtaasi tahay mid Goluhu aanu ansixin Cashuur sharciya maaha, Xukuumaddu Cashuur wey kordhin kartaa, balse waa inay Golaha la keeno oo la xaleeleyo, Cashuur aan Golaha la keenina xalaal maaha”.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa Cabdiraxmaan Cirro ayaa mar uu ka hadlaayey kulan uu la yeeshay wefti Ingiriis ah ayaa yidhi “Waxa aan la kulmay qolo ka socotay Dawladda Ingiriiska, oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Safaradooda Addis Ababa, guud ahaan xaalada dalka ayey iga wareeysteen, waxa kale oo aanu ka wada hadlanay iskaashiga Somaliland iyo Ingiriiska”.