Somali Sheegay In Addoonka Madow Loogu Yeedhay Oo Dalbanaya Magdhow $ 157 Kun

0
638

4

London (Geeska)- Soomaali muddo 20 sano ah ka shaqaynayey qaybta soo dhoweynta ee safaaradda dalka Qatar ku leeyahay Ingiriiska ayaa safaaradda iyo masuuliyiinteeda ku soo oogay dacwad uu ku dalbanaya in magdhow laga siiyo aflagaado cunsuriyadaysan iyo ficillo qallafsan oo lagula kacay muddadii uu shaqadan hayey.

Wargeyska Standard oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa markii hore bishii lixaad ee sannadkan qoray in Maxamuud Axmed oo 74 jir ahi uu maxkamadda ka furtay gal-dacwadeed uu ku sheegayo in si aan cadaalad ku dhisnayn looga eryey shaqadii safaaradda iyo in takoor da’da iyo midabka ah uu kala kulmay shaqaalaha iyo masuuliyiin ka tirsan safaaradda, sidaa awgeed waxa uu dalbaday in dhibta nafsiga ah ee soo gaadhay iyo nidaamka cadaalad darrada ku dhisan ee shaqada looga eryey darteed maxkamaddu ay safaaraddan ugu xukunto magdhow lacageed oo dhan 157 kun oo doolarka Maraykanka ah.

Axmed oo dalka Ingiriiska ku noolaa muddo 40 sano ah, haystana jinsiyadda dalka Ingiriiska ayaa sheegay in si badheedh ah loogu yeedhi jiray ereyga afka Carabiga lagu yidhaahdo dameerka oo ah Ximaar iyo xataa mararka qaarkood uu madaxa waaxda caafimaadka ee safaaraddan oo lagu magacaabo Abdillaahi Al-ansari uu ugu yeedhi jiray Yaa Kalb oo la macna ah Eygoow. Laakiin safaaradda iyo Al-Ansaari labaduba warkan waa ay beeniyeen.

Garsoorihii uu Axmed dacwaddan u gudbiyey ayaa ay muddadaas ku qaatay in uu dacwaddan furo, maadaama oo uu maxkamadda Racfaanka ka sugayey ogolaanshiyaha iyo in ay u eegto sharciga bal in safaaraddu ay dacwaddan iskaga difaaci karto in ay xasaanadda diblumaasiyadeed ee ay leedahay. Laakiin qareenka u doodaya Axmed oo lagu magacaabo Matthew Hodson ayaa isagu ku doodaya in kiisan qaadistiisu ay xaq tahay, sharciga dalka Ingiriiskana waafaqsan tahay, sidaa awgeed aanay jirin sabab loo diidi karaa.

Dhinaca kalana afhayeen u hadlay safaaradda dalka Qatar ayaa yidhi, “Eedaha Axmed gebi ahaantoodba waa been, marnaba si xun loolama dhaqmin, laguma tacaddiyin, mana jirto cid safaaradda gudaheeda ku takoortay ama iyada oo safaaradda metelaysa cunsuriyad kula kacday. Runtii waa been in Axmed midabkiisa dartii loo faquuqay” afhayeenkan oo ka hadlayey doonista Axmed dacwaddiisan ku xusay ee ah in la siiyo magdhow lacageed oo dhan 100 kun oo lacagta reer Yurub ah una dhiganta qiyaas ah 157 kun oo doolar in aanay cidi kala soo hadal safaaradda ama inta aan ogahay aanay cid maxkamadda u gudbin, waxa uun ay daba socotaa dalab ay hore safaaradda ula yimaaddeen Axmed iyo qareenkiisu” ugu dambayntii masuulkani waxa uu ku dooday in Axmed aanay cidi shaqada ka eryin ee uu iskii uga tegey, sidaa awgeed xaaladda uu ku jiro ee dhaqaala iyo shaqo la’aanta ah ee uu ka cabanayaa ay tahay mid uu isagu sababteeda leeyahay.