Xildhibaano Qayral Sharci Ku Tilmaamay Cashuuro Ay Xukumadu Ku Soo Rogtay Saxaafada

0
542

5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa, oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee xisbiga Waddani, ayaa si adag u dhaliilay, qayral sharcina ku tilmaamay cashuur ay wasaaradda maaliyadu ku soo rogtay saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland, taas oo loo arkay mid ka mid ah tallaabooyinka lagu cabudhinayo saxaafadda.

 

 Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ugu horayn hadlay ayaa yidhi “Takaaliif ama Cashuur aan Golaha Wakiiladu ansixini waa Qayrul sharci.wax anaga na soo maray maaha, wax jirana maaha, wax lagu camal falayana maaha. Cashuuraha waxaa soo rogta Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ansixiya Golaha wakiilada. Anaga haba yaraatee Cashuurahaas la sheegayaa nama soo marin, wixii aan na soo marina Sharci maaha. Waxaan Xukumadda ka codsanayaa inay Xukumaddu Shuruucda dhawrto, waxaanan arintaas u arkaa Caddaadis iyo Cabudhis Warbaahinta lagu hayo”

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay talaabooyinka xukumaddu yihiin caddaadis warbaahinta madaxabanaan la saarayo “ Cashuuro ama Takaaliif xeer jideeyay aan la garanayn ama xeer Goleyaasha xeer dejinta ka soo baxay aanu jidayn suurto gal maaha in Wasiir digreeto ku soo saaro, suurto galna maaha in Umadda culays lagu dul saaro. Waxaan u arkaa uun Cashuurahan Culays siyaasadeed oo Xukumadda talada haysaa doonayso inay warbaahinta Madaxa banaan ay saarto oo ay ku cabudhiso oo ay iyadu iswada hoos keento, arintaanisana ma shaqaynayso.

Saxaafaddu waa  tiirka afraad ee Qaranku ku taagan yahay, Aduun ay ka helaana ma jirto, mutadawacnimo ayay ku shaqeeyaan, Xarumaha, Shaqaalaha Kamaradaha sita ee goob walba taagan,Ateenooyinka dhamaan kharashka ku baxa waa mid ay jeebadahooda si gaara uga soo saaraan ee wax faa’iido ah oo ay ka helaan ma jiro” Ayuu yidhi XIldhibaan Buubaa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa hore warbaahinta ugu war galiyay in la cashuurayo, islamarkaana la siin doono Liisan iyo Kaadhadh ay ku hawl galaan, iyadoo talaabadii u horaysay noqotay in warbaahinta loo diro qoraalo lagu farayo inay soo bixiyaan cashuurahan ay xildhibaanadu qayral sharciga ku tilmaameen.