Maxaa Ka Jira In Dadka Maraykanku Ay Yihiin Kuwa Ugu Basarisan Dadyowga Dunida Oo Dhan?

0
706

Washington (Geeska)- Haddii aad niyadda ku hayso in dalka Maraykanku yahay kan ugu qanisan, ugu dhaqaalaha sarreeya, ugu cududdda badan, isla markaana ugu xoog yo muquunin badan, Ma Qaldanid.! Haddii ay kula tahay in dalka Maraykan iyo dadkiisa si weyn dunida oo dhan looga qaddariyo, loona arko dad wax soo saar badan aadna u fikir iyo maskax fiican, ma xumid oo dad badan oo kale ayaa sidan kula qaba. Laakiin haddii aad is leedahay wax yaabahaas aynu kor ku soo xusnay waxa ay ka dhigayaan dadka Maraykanka ah dad dhamays ka ah dhan walba, taasi waa qalad, haddii aad aaminsan tahay waa dad nadaafadda ku fiican iyana waa beenba.

Daraasad dhinaca bulshada ah oo loogu kuur galay nadaafadda jidheed iyo ta huga ee dumarka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in jadwalkooda aanay kuba jirin nadaafaddu. Waxa ay daraasaddu muujisay in is nadiifintu ay dadka Maraykan oo dumarku u badan yihiin u tahay keliya hawl si aan ku talo gal ahayn marar loo qabto.

Majaladda caanka ah ee Glamour oo ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa qoraalkan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay ku shegtay in dumarka Maraykan cadayashadu u tahay keliya wax ay si aan ula kac ahayn marar u sameeyaan, sidoo kale dumarka Maraykanku si joogto ah uma maydhaan xattaa xilliyada lagu jiro kulaylka.

Sidoo kale dadka Maraykanka oo ay ugu badan yihiin dumarku aad uma daneeyaan labiska iyo beddelkiisa, ugu dambayntii waxa ay majaladduu sheegtay in dad badan oo Maraykan ah ay nadaafad darro jidhkooda ku dhacday awgeed ay ku keento jeermis iyo cudur sidayaal kale oo ku dhasha jidhkooda.