Xildhibaanku Xilka Yuu U Hayaa? Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

0
574

1Qiyaastii 1995kii mar an fasax ku tegey magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaan maalin maalmaha ka mida raacey nin an saaxiib aheyn oo ballan la lahaa xildhibaan baarlamaanka Kanada ka tirsan. Waxa an tagney xafiiskii xildhibaanka oo ahaa xafiis aad u weyn oo ay dhowr shaqaale ihi ka shaqeynayaan. Ninka an la socdey waxa uu xildhibaanka kala Hadley dad reerkiisa ka tirsanaa oo u qornaa oo aan loo soo ogolaan. Xildhibaankii ayuu u waramey markaasuu oo uu cabashadiisii u sheegey. Intuu xildhibaankii  macluumaadkii qortey ayuu yidhi anaa arintaa dabageliya oo kala hadlaya hey’adaha ay khuseyso. Beri danbe oo an ninkii an saaxiibka aheyn is aragney ayuu ii sheegey iney arintii dhamaatey oo dadkii loo soo qaadey..

Ninkaa an u tagney wuxu ahaa xildhibaan maalmaha uu ku maqanyahay shirarka baarlamaanka mooye, inta kale fadhiya xafiiskiisa oo ku yaala xaafadda laga soo doortey oo uu ku qaabilo dadka deggan xafladdaas ee ama dhibaato heysato ama raba iney kala hadlaan arimo hore loogu marinayo xaafadda.  Xaafadda waa tii laga soo doortey
waana xaafadda uu doonayo in doorashada danbena laga soo doorto.  Sidaa darteed waa inu muujiyaa inu waxqabad lagu xusuusto sameeyo.

Waxan ka fikirey xildhibaanka laga soo doortey Raaribuul ama laga soo doortey Cali Xeydh ama laga soo doortey Agabar ama ka laga soo doortey Oodweyne. Marka iminka uu bilaabmo ololaha doorashadu ee xildhibaanadaasi ay tagaan goobihii laga soo doortey 5 sanadood ka hor ee ay dadweynihii markii hore soo doortey hor fadhiistaan, tolow maxey u sheegayaan?
.
Xildhibaanadaasi badankoodu degmooyinkan kumey noqon sidii loo soo doortey. Marka laga yimaaddo inaadeerkiin ayaan ahee I doorta mooyee,  ma jirto wax badan oo ay u sheegi karaan dadka. Waxa u badan ee ay uuga sheekeyn karaan waa sidii baarlamaanku isu qabsadey iyo sidii ay uula dagaalaneen dhinicii kale ee ka soo horjeedey. Xildhibaankaasi ummaddii soo dooratey waxa ay libin uuga dhigayaan dagaalka ay la galeen xildhibaan kale oo ka soo horjeedey oo isaga laftiisu dayacay mujtamacii ku noolaa deegaamaddii laga soo doortey.

Xildhibaanka laga soo doortey Dalooldho iyo kan laga soo doortey Calaamadaha iyo kan laga soo doortey New Hargeisa, aroortii marka ay soo toosaan orod ayay ku soo dhafaan degaankooda iyagoo aan dhag la qabto laheyn. Uu yaryahay inad aragto xildhibaan ku hakanaya deegaankiisa oo ama dadka wareysanaya ama arin deegaanka khuseeya xafiis dawladeed ka soo dhameynaya. Isaga oo ad moodo in balaayo eryaneyso ayuu orodka uu kaga soo qaado gurigiisa ayuu ku yimaadaa shacabka iyo Madaxtooyada iyo wasaaradaha kale agagaarkooda. Markaasuu miyirku ku soo degeyaa.

Galabtii intooda qayishaa mafrashyo ayay xuurto ku heystaan oo marka ay sheekeynayaan waxa ad moodaa niman dal soo xoreeyey. Maqli meysid mid leh qaadhaan ayaan ururinayaa iskuul loogu dhiso Gatiitaley mana maqleysid mid ku mashquulsan sidii Hargeisa loogu sameyn laha biyo la cabbo oo mujtamaca wada gaadha. Balse wuxu ka sheekeynayaa sida ay sutida uugu qabteen kooxdii kale ee xildhibaanada aheyd ee ay iska soo horjeedeen. Taasuu guul u arkaa iyo faan.  Xildhibaaku maaha oo keliya inu xilkiisii dayacay, balse naftiisa ayuu dayacay oo isaga laftiisu waxba kuma noola oo wareer iyo muran iyo colaad iyo daal ayaa u dheer. Deegaankii laga soo doortey wax magic ah kagamouu tegin oo uumuu qaban wax lagu xusuusto.

Waxa muhiim ah in xildhibaanku qeyb ka ahaado mujtamaca soo doortay. Waa inu xafiis ka furtaa deegaankiisa oo uu kula kulmaa dadweynaha gaar ahaan kuwa jilicsan. Xildhibaanku waa inu qorta mutadawiciin deegaanka ka tirsan oo uu hawl geliyo oo uu shiriyo. Mutadawiciinta qaarkood waxa uu u kaashan karaa caawinta dadka jilicsan, xog ururinta iyo wacyigelinta mujtamaca. Mararaka qaarkood dadka ad xildhibaanka u tahay maba rabaan wax loo qabto balse waxa ay rabaan cid ay la hadlaan oo ay u cawdaan oo wax ka dhageysata. Intaa lafteeda ayaa wax dhan ah.

Waxan qabaa in golayaashu diyaariyaan wax qoran iyo siminaaro loogu sharxayo xildhibaanka mas'uuliyada  ka saaran sharci-dejinta iyo ta ka saaran mujtamaca soo doortey iyo ta ka saaran dawlad wanaagga. Haddii aan taa la yeelin, xildhibaan kasta oo cusub oo soo biiraa wuxu moodayaa in waxa loo soo doorteyba uu yahay muran iyo abaabul qabiil isna halkaas ayuu kaga qabanayaa huuhaada socota isagoon isba weydiin waxa loo soo doortey. Taasina waxa ay dhaxalsiineysaa inu xildhibaankii isu bedelo xilmadhibaan.

 

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqontaiyonolosha@gmail.com