Jacaylka Aragtida Koowaad Oo Dumarka Ku Badani Dhab Iyo Ismoodsiis Waa Iyama?

0
1300

Waxaa hubaal ah in aadamuhu dhammaantii soo maro xilli uu dareemo jacayl iyo shucuur kalgacal, laakiin ma jiro qof qudha oo og goorta, sida iyo qofka uu jeclaan doono. Waxaana cad in qof kasta uu si u soo bandhigayo, mid caqliga uun ka jeclaaday, mid qalbiga ayaan uga taag waayey ku jawaaba iyo qof aragtidii u horreysay ayaa la I saaqay isku difaaca. Waxa kale oo dood aan kala go'in tan iyo bilowgii ilbaxnimada aadamaha ah bal in uu jacaylku yahay wax waara iyo in sida dadka qaar ku doodaan uu si sahlan u uumi baxo, lana arko qofkii shalay u il-darnaa jacaylka qof oo maanta qof kale caashaq la sida. Dhibta kale ee dhacdaa waa in khalad weyn ay dad badani ka fahamsan yihiin in maadaama oo uu qofkaa jecel yahay ay qasab tahay in sifo kasta ay wadaagaan isla markaana uu ku qanco dhammaan dabeecadihiisa.

Haddaba daraasad dhowaan la sameeyey ayaa muujisay in qofka oo qof ka hela ama la dhacaa aanay macnaheedu ahayn in uu dhan walba qancin karo qofkani, tusaale ahaan waxa uu qofku ka helaa muuqaalka, aragtida indhaha, qaabka qosolka, hadalka ama xataa midabka indhaha ee qofkan. Daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay majalad lagu magacaabo Journal of Personality and Social Psychology ayaa muujisay in jacaylka ka dhasha aragtida koowaad uu yahay mid keliya ay indhuhu abuuraan, taas macnaheeda oo ah in il-bidhiqsi badhkii marka ay labada qof is eegaan kadib uu qofkan haleelayo jacayl ku eeg keliya muuqaalka uu ku arko indhaha qofkan kale. Waxa ay khubarada cilmi nafsigu sheegeen in jacaylka aragtida koowaad ahi uu caadi ahaan ku badan yahay dumarka, oo la arko in ay daqiiqado gudahood ku caashaqaan qof aanay hore ula kulmin, waxa ay daraasaddu sheegtay in dumarku ay badanaaba qiimeeyaan muuqaalka wejiga, joogga iyo dhismaha jidheed ama dhoolla caddaynta, daymada, macaamilka iyo xataa codka iyo qaabka hadal ee ninka ay aragtidii u horreysay u tahay si dhaqso ahna ay u jeclaadaan. Laakiin waxa ay khubarada cilmi nafsigu ku tilmaameen jacaylka noocan ah khayaali iyo mid aan aasaas lahayn. Waxa ay khubaradu sheegeen in jacaylkani yahay khalad dhinaca maskaxda ah oo ah maskaxdii qofka oo tilmaamihii ay haysatay ee ay la jeclayd in ay ku aragto qofka ay jeceshay u qiimaysay qaab qaldan badhkood oo ay qofkan u aragtayna soo qaadatay.

Ugu dambayntii waxa ay khubaradu meesha ka saareen aragtida hore dad badani u qabeen ee ah in jacaylku aragtida koowaad yahay, waxaanay jacaylka noocaas ah ku tilmaameen is moodsiis iyo iska xiise inta badan ku dhaca dhalinta oo weliba dumarka u badan.