Far-Qoraalkaagu Waxa Ay Ka Turjumaysaa Sirta Ku Duugan Shakhsiyaddaada

0
828

Picture2

Hargeysa (Geeska)- Ma og tahay in qaabka qoraalkaagu ay xambaarsan tahay sirta shakhsiyaddaada? Tusaale ahaan in qaabka iyo dhumucda farta aad qorto ayaa ay dad badani ka garan karaan shakhsiyaddaada, iyo dabeecadahaaga gaarka ah, sida in aad tahay deeqsi ama bakhayl, qof niyad san ama qof niyad xun, qof furfuran ama qof xidh-xidhan … iwm.  Waxaa jira cilmi lagu magacaabo cilmiga barashada far-qoraalka, iyo in qofka shakhsiyaddiisa laga dhex akhristo sida ay u dhigan tahay far-qoraalkiisa. Cilmigaas oo lagu magacaabo Graphology waxa uu leeyahay tababar xooggan oo ay sameeyaan khubaro ku xeel-dheer. Haddaba in kasta oo ay khubarada cilmiga Graphology ay sheegaan in mararka qaarkood farta qofka oo si cilmi ah loo eegaa aanay boqolkiiba boqol sax ahayn, laakiin haddana inta badan ay u dhowdahay dhinaca runta. Qormadan maanta waxa uu Geeska Afrika kugula wadaagayaa qaar ka mid ah qaab-qoraallada dadka iyo dabeecadaha laga fahmi karo qofka qora.

1. Dhumucda farta:

– Haddii dhumucda farta aad qortaa ay buuran tahay (Weyn tahay) waxa laga dheehan karaa in aad tahay ruux furfuran, ku fiican la macaamilka dadka, hadal aqoon ah, waxa aanad danaysaa danaha dadka kale. Dhinaca kalana waxaa suurtogal ah in farta dhumucdeedu weyn tahay aynu laga dheehan karo in qofkan qoray uu yahay ruux inta badan dadka kale teed iskaga xidha, laakiin haddana isu muujiya in uu yahay qof isku-kalsoon.

– Haddii farta uu qofku qoraa ay tahay mid yaryar waxa ay taasi iftiiminaysaa in qofkaasi uu yahay qof khajilaad badan, inta badann, goonida jecel.

– Laakiin haddii xajmiga far-qoraalka qofku ay tahay dhex dhexaad waxa ay taasi ku tusaysaa in aad tahay shakhsiyad isu miisaaman, oo la macaamilkeedu sahlan tahay.

2. Inta ay isu jirayaan ereyada qoraalku:

Sida caadiga ah dadku marka ay gacanta wax ku qorayaan waa ay ku kala duwan yihiin masaafadda ay isu jirsiinayaan labada erey ee isku xiga, taas lafteedana culimada cilmiga farta iyo xidhiidhka ay la leedahay dabeecadda qofku waxa ay ka dhex fahmeen;

–  Haddii qofku uu masaafad weyn u dhexeysiiyo labada kelmadood (Xuruufta ma’aha) waxa ay muujinaysaa in uu yahay qof jecel xorriyadda, oo ka diiqadood xakamaha iyo cadaadiska nolosha.

– Haddii qofku uu si aad ah isugu dhoweeyo ereyada uu qorayo, waxa ay taasi muujinaysaa in uu yahay qof aan jeclayn gooni joogga iyo cidlada, inta badanna naftiisu ku raalli tahay in ay dadka ku dhex jirto.

3. Qaabka farta:

– Haddii xarfaha uu qofku qorayaa ay kor uga yara kacsan yihiin sadarka waxa ay muujinaysaa in uu yahay qof marka ay dhinaca jacaylka noqoto ay niyad-samaanta iyo sahlashadu ku badan tahay oo marar badan inta caqligu caadi ahaan ogol yahay kala tallaaba. Haddiise xuruuftu ay mar kor uga kacayaan, marna hoos uga soo dhacayaan, waxa ay taasi ku tusaysaa in uu qofkani yahay ruux is rog-rog badan.

– Mar kasta oo goobaabaha xuruufta ku dhex jira, sida goobada xarfaha B, b, d, D, O, G, g, Q, q iwm ay weynaadaan waxa ay taasi muujinaysaa in uu yahay qof deeqsi ah, oo keliya aan dhinaca maal bixinta deeqsi ku ahayn ee sidoo kale dareenka iyo shucuurta dhabta ah deeqsi ku ah. Mar kasta oo ay goobaabahaasi sii yaraadaanna waxa ay ku tusaysaa bakhaylnimo dhinaca bixinta iyo shucuurta labadaba.

– Farta oo u jan-jeedhsata dhinaca midig waxa aad ka garanaysaa in uu qofkani yahay qof jacaylka iyo caadifadda uu qalbigiisu u nugul yahay, si sahal ah shucuurtiisa u sheega. Afkaarta cusubna si dhaqso ah u qaata.

– Mar kasta oo ay far-qoraalka qofku dhinaca bidix u jan-jeedhsato, waxa ay ku tusaysaa in uu qofkaasi yahay qof taxaddar badan, aadna u feejigan, qof inta aanu go’aanka qaadan ka fikira aadna u rog-roga, qof aanay afkaarta cusubi si sahal ah raad ugu yeelan, ugu dambayntiina qof niyadsan oo inta badan dhinaca fiican wax ka eega, shucuurtiisana aad u qarsada.