Guddoomiye Saleban Oo Meesha Ka Saaray In Golaha Guurtidu Ku Hawlanyahay Diyaarinta Muddo Kordhin

0
710

salbeeanHargaysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ayaan daro ku tilmaamay in Cali Khaliif Galaydh oo Raysal wasaare ka soo noqday Somaliya uu ku soo mareeysto inuu sameeysto jabhad, waxaanu xusay in aanay muhiim ahayn, qiimana ku fadhayin in wada hadal ay Xukuumadda Somaliland la furto Cali Khaliif Galaydh.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sidoo kale meesha  ka saaray isla markaana beeniyey inay wadaan muddo kordhin, ay Xukuumadda la doonayaan,  isaga oo Xisbiyada Mucaaradkana u sheegay inay daacad yihiin, oo xilkooda si fiican u gudanayaan, waxaanu xusay in hadalada ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaradka inay u dulqaadanayaan. 

Guddoomiyaha Golaha Guurtiida Saleebaan Maxamuud Aadan, oo Shalay Shir jaraa’id qabtay ayaa hadalkiisi ku bilaabay  “Horta waan idin la yaabanay sababtu waxa weeyaan doorasho joogta 2015-ta ayaynu Maanta ka hadlaynaa meesha kuma jirto,Kuwa suuqa waxaas ka lehna run iskumay sheegin dawladuna warkaasba ma hayso anaguna ma hadal hayno Gole kalena hadalkiisa daa, inta ay khusaysayna waa intaas, markaas anigu na hayno meel aanu muddo kordhin ku wadno”.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas raaciyay.”Ma anaga ayay nagu gubayaan mise Madaxtooyada ayay ku kar-baashayaan,waxa ay ila tahay Mucaaradku waa ninkaas ayda wareegaya ee kursi wareeg ah,Kursi nin kale ku fadhiyo ayuu doonayaa,waana uu qaylinayaa markaas waa in loo dul qaato Anaguna ka Guurti ahaana waxaas oo kalena Dhag loo dhigi Maayo”.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidu mar uu ka hadlaayey Madax dhaqmeedka soo fadhiista warbaahinta ee Siyaasada Golayaasha Dhaliila waxa  uu yidhi. “Waxaan ugu jawaabayaa Kaligay ma ihi Gole ayaan Masuul ka ahay oon ahay Guddoomiyahoodii,haddii Gole ladhiilayo oo aanan Anigu arag ma jirto,Shaqadoodiina way gutaan,meel kastana waa laga amaanayaa guddoomiyahoodina waa Xun yahay cidna idinka aqbali maysid,Dad waxaas may odhane idinka ayaa iila badheedhay”. Guddoomiyaha Golaha Guuritada Somaliland mar uu ka hadlaayey Cali Khaliif Galaydh waxa uu yidhi “Maxaanu Cali Khaliif Galaydh kuwada Hadli,Anigu Garan Mayno waxaanu kuwada hadalno, reer Somaliland weeye Cali Khaliif Nin Mucaarid ah Maaha, Jabhadna wuu sheegtay nin dawlada somaliya Raysal Wasaare ka gaadhay ismaan lahayn Reer Ayuu hoos ugu soo noqonayaa,Reerna Madax ayaan u ahay anigu libin uma arko”.