Garyaqaanadda ka soo Baxay Jaamacada Hargeysa Oo Waxqabad Ku Majeertay Wasiirka Madaxtooyada

0
507

fdfHargeysa(Geeska)-Garyaqaanada G7 oo ah urur ay ku bahoobeen sharciyaqaanada ka soo baxay jaamacada Hargeysa ayaa ammaan iyo dhiiri galin u soo jeediyey Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland  Xirsi Cali X. Xasan,  waxaanay sheegeen in uu yahay Wasiir had iyo jeer garab taagan dhalinyarada reer Somaliland  jecelna horumarka iyo shaqo u abuuri-dooda.

Gudoomiyaha guud ee ururkan garyaqaan Ludfi Mataan ayaa sheegay mar uu ka hadlayey shir’jaraaid oo ay ku qabteen Summertime Hotel  “Wasiirka wasaarada madaxtooyadu wuxuu inaga mudan yahay mahad celin iyo dhiiri galin haddii aynu nahay dhalinyarada reer Somaliland waayo wuxuu dhalinyarada  u qabtay waa wax muuqda oo anfac u leh guud ahaan dhalinyarada reer Somaliland siiba shaqaalaysiintooda iyo dhiiri-galintooda sidii ay wax baran lahaayeen oo ay wadankooda horumar u gaadhsiin lahaayeen oo ay u ilaashan lahaayeen waayo waa kuwa bari xukan kan la wareegi doona ”

Guddoomiyuhu wuxuu intaas raaciyay  “Wasiirka madaxtooyadu waa Wasiir dhalinyarro ah had iyo jeerna jecel inuu dhalinyarada la joogo oo uu fikir la wadaago wax badana ka og xaalka dhalinyarada soomaliland sidaa darted anigoo ku hadlaaya afka garyaqaanada dhalinyarada ee ka soo baxay jaamacada Hargeysa  ee G7 waxaanu leenahay abaal ayaanu kuugu haynaa waxaana aanu ku aqoonsanahay wasiirka wax qabadka iyo dhiiri galinta waxbarashada dhalinyarada iyo guud ahaan wax qabadka muuqda ee aad dalka ka qabatay sida wadooyinka , shaqo abuurka iyo quruxda dalka.

Sidoo kale waxay wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland   ku amaaneen tallooyinkii iyo casho sharaftii uu u sameeyey dhammaan ardaydii sanadkan ka qalin-jabisay jaamacadaha dalka oo inta uu casho sharaf u sameeyey hadana siiyey tallooyin wax ku ool ah.

Guntii iyo gabagabadii waxaanu Wasiirka madaxtooyada ku dhiiri galinaynaa shaqada uu dhalinyarada u hayo waxaana aanu leenahay halkaas ka sii wad abaalkaagana waanu haynaa dhalinyaro ahaan.”