Ururkii Xaqsoor Oo Ka Hadlay Weedho Laga Yidhi Furitaankii Jidka Baligubadle Iyo Hargeysa

0
545

21Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka urur siyaasadeedkii Xaqsoor oo ka mid ahaa ururadii ka qayb galay tartankii doorashadii deegaanada balse aan ku guulaysan inuu ka mid noqdo xisbiyada qaranka ee soo baxay, ayaa ka hadlay hadalo laga yidhi furitaanka 5-tii KM ee wadada Hargeysa iyo Baligubadle.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Xaqsoor, ayaa lagu yidhi sidan “In lagu soo dhaweeyo deegaamada ay booqdaan madaxda sharciga ah ee dawladu, dadka ayaa xaq u leh. Lakiin in dadka qaar ka badbadiyaan oo ay ku daraan guulwadeyn aanay  ku matelin shucuurta  dhabta ah ee shicibka degmooyinkaas waa arin qalad ah. Waana mid lugooyo ku ah xukuumada. Dadku waxa kale oo ay xaq u leeyihiin in ay mudaharaad nabdagalyo ah kaga hor tagaan madaxda xukuumada. Marka qodobkaas laga yimaado maalintii dhawayd ee la furay wadada laamida ah ee baligubadle, waxa hadalka lagu soo qaaday  erayga subar baawar.

Eraygaasi waa mid af ingriisi ah waana “super power.” eraygaa macnihiisu waa awood sheegasho. Inkasta oo ay jirto maah maahda af soomaliga ee hadii lagu sheegana waa la is sheelaa, hadii lagu sheelana waa la is sheegaa, hadana, awood sheegashada bilaw aadmigu waa gef oo awooda iyo “power” ilaahay ayuunbaa leh, isaga ayaana saareeye ah oo “supreme” ah kaligii. Markaas eraygaas lama sheegan karo oo waan ka istaakh furulaysanaynaa. Eray kale ayaa mar hadalka soo galay.

Eraygaasi oon loo baahnayn wuxuu ku saabsanaa beel degmada baligubadle ay walaalo yihiin oo ixtiraam buuxa loo hayo. Eraygaas waxaanu odhan karanaa looma kasine ee wuxuu ku yimid kidiska makarafoonka iyo faraqyada ay yeelato khudbada aan qornayn ee tooska uga baxda makarafoonka. Inkasta oo aan cidna la caayin hadana eraygaasi laa’iq muu ahayn isagana xaal iyo raali galin ayaanu ka bixinaynaa.”