Kal-Fadhiga 55-Aad Ee Golaha Guurtida Oo La Soo Qadimay

0
587

???????????????????????????????Hargeysa (Geeska)-Kal-fadhiga 55-aad ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa wakhtigiisii laga soo qadimay, qadimaada kal-fadhigan ayaana lagu sababeeyey arimo badan oo muhiiim ah, iyada oo Golaha Guurtidu ay ku jiraan fasaxoodii caadiga ahaa.

Haddaba Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa lagu sheegay in hore loo soo qaddimay Kalfadhiga Golaha waxaana  qoraalkan uu Guddoomiyuhu soo saaray u dhignaa sidan “Waxaa dhammaan mudaneyaasha Golaha Guurtidda Jamhuuriyada Somaliland, lagu wargalinayaa in Kal-fadhigii 55-aad ee Golaha Guurtidda JSL, oo ku beegnaa 02-11-2014 uu furmayo Maalinta Sabtida oo Taariikhdu tahay 29-11-2014, iyadoo loo soo qaddimay arimo Muhiim ah, Haddii Alle yidhaahdo.

Sidaasi darteed, waxaan ku rajo weynahay inaad sidaasi ula socon doontaan,wakhtigana dhawrtaan.”

Waxa la filayaa inay golaha guurtidu gudo galaan xeerka diiwaangelinta madaniga ah ee dhawaan khilaafyada siyaasadeed wadanka ka abuuray.