Sababaha Keeni Kara In Ruuxa Dumarka Ah Uu Gadh Ka Soo Baxo Iyo Macnaha Ay Caafimaad Ahaan Leedahay

0
669

Picture10Beijing (Geeska)- Khabiir u dhashay dalka Shiinaha oo ku xeel-dheer cilmiga caafimaadka iyo hidde-sidayaasha ayaa sheegay in khalkhal ku yimaadda hidde-sidayaashu ay mararka qaarkood keeni karaan in gabadhu ay gadh yeelato. Khabiirkan iyo xeel-dheerayaal kale oo daraasad arrintan ku saabsan ay wada sameeyeen ayaa sheegay in cilladda hormoonnada khalkhalkooda ka dhasha iyo hiddesidayaashu ay keenayso in timo aan dabiici ahayn ka soo baxaan wejiga ruuxa dumarka ah, taasna loo aqoonsan yahay in ay tahay cudur u baahan daweyn iyo daryeel caafimaad.

Joe Zhang oo ah khabiir ku xeel dheer cilmiga hidde-sidayaasha kana mid ahaa khubarada cilmibaadhistan samaysay ayaa sheegay in natiijadan ay gaadheen ay tahay markii ugu horreysay ee cilmi ahaan la ogaado in gabadha oo uu gadh ka soo baxaa ay tahay cudur ka dhasha khal-khal dhinaca hidde-sidayaasha iyo dheecaannada hormoonka ah. Waxaanu khabiirku sheegay in maadaama oo hadda la ogaaday sababta cilmigaah ee keenta arrintan ay noqon doonto jid bilow u ah daraasado badan oo la sii wado si loo helo xalka iyo dawada ugu habboon ee lagu daweyn karo. In kasta oo ay tiro ahaan aad u yar yihiin dumarka gadha noocan ahi ka soo baxo haddana waxa la sheegaa in haddii dumarka lagu arko ay dad badani u qaataan arrin iska dabiici ama hidde ah. Si kastaba ha ahaato ee khubaradani muddadii ay baadhistan wadeen waxa ay ogaadeen in ay jiraan meelo badan oo bulshooyinka ku dhaqani ay takooraan dumarka lagu arko gadhka, tusaale ahaan meelo ka mid ah China waxa looga qadariyaa in gabadha gadhka lihi tahay noole mucjiso ah oo mudan in la geeyo macradyada si loogu soo bandhigo daawasho ahaan.

Sida taariikhaha qaar ku sugan qarnigii 14 ay jiri jirtay haweenay lagu magacaabo Julia Pastrana oo lahayd gadh la mid ah kan ragga. Waxa taariikhda ku xusan in gabadhani ay yeelatay gadh aad u weyn oo ay sii deysay.