Sagaalka Qodob Ee Ay Ergadii Golaha Guurtidu Ku Gunaanaday Khilaafkii Hadheeyay Golaha Wakiilada Iyo Mooshinkii Cirro Lagu Ridayay Oo ay Laaleen

0
535

Picture8Hargeysa(Geeska)-Golaha guurtida ayaa go’aamo ka soo saaray dhexdhexaadintii ay ka dhex wadeen labada garab ee golaha wakiilada. Labadii garab ee golaha wakiilada ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aamadaas ay guurtidu gaadhay. Ergada guurtida ayaa waxa ay go’aamadan oo ka kooban 9 qodob  kaga dhawaaqeen fadhi ay shalayyeesheen golaha wakiiladu oo lagu qabtay xarunta golaha guurtida. Qodobada ay guurtidu gaadhay waxa ay kala yihiin sidan:

1.       Waxa la laalay mooshinkii xil ka qaadista guddoomiyaha golaha wakiilada, wadeena dhinaca uu hoggaaminayay guddoomiye xigeenka koowaad ee goluhu, lamina soo jeedin karo mooshin ku saabsan xil ka qaadis ilaa inta ka horaysa wakhtiga uu xeerku u cayimay xil ka tagista murashaxa u tartamaya xilka madaxweynenimo.

2.       Khaladaadkii ku dhacay mashruucii xeer ee wax ka bedelka iyo kaabista xeer No 37/2007 kuna saabsanaa diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo muwaadiniinta masuuliyadeedana uu leeyahay guddoomiyaha golaha wakiiladu maadaama oo uu yahay masuulka ugu sareeya maamulka golaha leeyahayna saxeexa gudbinta xeerarka IWM.

3.       Waxa khalad ahayd baajintii ku timid kalfadhigii aan caadiga ahayn ee 26/10/201 looguna tallo galay ansixintii xubnihii koomishanka qaranka iyo miisaaniyadda 2015 IWM

4.       Waxa waajib ku ah guddoomiyaha golaha wakiilada inuu xildhibaanada golaha ku maamulo kuna hoggaamiyo dhedhexdhexaadnimo islamarkaana uu meel mariyo oo keliya go’aamada uu goluhu aqbalibiyada ku ansixiyo

5.       Xeerarka ka gudbaya golaha wakiilada ansixinta mudanayaasha ka dib waa in shirguddoonka isla hubiyaa gudbinta ka hor

6.       Xubnaha golaha wakiiladu waa inay waajibaadkooda si hagar la’aan ah u gutaan dhammaanbana hawlaha muhiimka ah ee horyaala ku socodsiiyaan si habsami ah oo xilkasnimo ku jirto

7.       Iyadoo la tixgelinayo lagana taxadariyo sii jiitan iyo khilaaf dambe oo sabab u noqda dib u dhac ku yimaada doorashooyinka waxa golaha guurtidu xil saaray inuu xal ahaan u saxo khaladaadkii mashruuca xeer ku  dhacay islamarkaana islamarkaana ka guto waajibaadkiisa distooriga ah mashruucii xeer no 37/2007 ee wax ka bedelka iyo kaabista xeerkii diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo muwadiniinta.

8.       Xukuumadda waxa xil ka saaranyahay dhawrista xasaanada mudanayaasha, mudanayaashana waxa waajib ku ah inaanay sharciga gacanta ku qaadan falagaraansahana ka fogaan islamarkaasina aanay bulshada uhorseedin khalkhal iyo degenaansho la’aan.

9.       Ilaa inta la gaadhayo wakhtiga xeerku u jideeyay ololah tartanka doorashooyinka, waxa ka reeban xisbiyada qaranka, wax u muuqan karaya olole iyo abaabul dadweyne, ahna shacaa’ir kasta oo muujinaya kaambayn doorasho.

Ugu dambayn waxaan mudanayaasha golaha wakiilada ugu baaqaynaa inay si xilkasnimo iyo mudakanrimo ku jirto u gutaan masuuliyada ay umadda u hayaan, haybada golahoodana ilaaliyaan. Waxaan dhammaan u rajaynaynaa mudanayaasha guul iyo in loo midoobo danta iyo maslaxada shacbiga reer Somaliland.”

Ergada guurtida oo ay tiradoodu ahayd 15 xubnood oo uu weheliyo xoghayaha golaha guurtidu, ayaa waxa hoggaaminayay xildhibaan Muxumed Aw Axmed iyo xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe).