Cabdikariim Maxamed Iid Oo Sharaxay Qodobo Caqabad ku Noqon Kara Maalgashiga Ganacsatada Somalilnd

0
629

Picture4Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM Md. Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dawlada iyo ganacsatadu ay wada hadal la joogteeyo ay ka samayeen sidii mar walba laysaga xog waraysan lahaa caqabadaha hortaagan in ganacsatada dalku ay maalgashato wadanka Somaliland, waxaanu dhinaca kale xukuumadda ku ammaanay fududaynta qodobo badan oo maalgashiga fududaynaya.’

Md. Cabdikariim Maxamed Iid ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad xadhiga laga’ga jarayey wajiga labaad ee shirkada soo saarta buugaagta AADCO PAPER FACTORY ay ku soo bandhigaysay waraaqaha cad cad ee loo yaqaano ee A-4 oo hadda ay bilowday soo saaristeeda, isagoo balan qaaday in shirkadda TELESOM noqon doonto macmiilka koowaad ee wershadaas.

Ugu horayn isagoo ka hadlaya xafladda uu ka qayb galay waxaa uu sheegay in ay tahay farxad aad muhiim u ah in ay ka soo qayb galaan furitaanka wajiga labaad ee shirkada AADCO PAPER FACTORY,waxaana uu sheegay in ay ka shirkad ahaan ay si aada u dhiiri galinayaan kobaca ay wado shirkadani, isaga oo carabka ku dhuftay in ay wax ka tari doonaan qaybaha dane ee shirkada waxii taakulayn iyo taloba ah ee ay ku biirinayaan. "Ganacsato ahaan farxad ayaa ay noo tahay in aanu Aadan kala soo qayb galno furitaanka warshadan. Hadalada dardaaranka ah kolay Wasiirka ganacsiga iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga ayaa odhan doona Insha Allah,waxaan uun aan jeclaan lahaa in aan Aadan u barakayno,oo aanu ugu ducayno warshadan in Illaahay maalkii uu galiyey in ka badan uu ka siiyo,umaddana mid ku anfaca uu Illaahay ka dhigo, qodobka kale ee runtii aan raacin lahaa waxa weeyaan,tii hore ee uu Aadan uu furay,Somalidu waxaa ay odhan jirtay Dayaxa iyo Dugsiga isku beegmayo oo macna ay tahay marka ay arrimahu isku hagaagaan, Mujtamaceenii Reer Somaliland amaba umadda Somaliyeed oo boqolkiiba 70 ay Soddan Jir ka yar tahay,oo ah bahda wax barashada,ayaa uu tii hore u sameeyey, tan danbena ganacsigeenii iyo laamaheenii dawlada oo kor u kobcaya ayaa uu iyadana uu u sameeyey,ganacsatadu waxaa ay ugu jeceshay in waxii halkaa lagu tabcay, la yidhaahdo waar yaa iibsanaya maanta, marka waxaan leeyahay xaajiga Insha Allah,macmiilkii ugu horeeyey ayaanu noqonaynaa ee warshada ka qaadata,waraaqaha,oo runtii aanu aad iyo aad ugu baahnayn,oo markii hore dibada laga keeni jiray,Insha Allahuna qaybtan uu xaajigu ku jiro waxaa ka dhalanaya waxyaabo badan oo waxaa soo raaci doona kuwii suuliga,kuwii afka layska marinayey,waxaa ay noqon doonta qayb laga wada shaqeeyo la sii wada balaadhiyo Insha Allah oo aanu qaybna kala qayb qaadan doono xaajiga,waxii taakulayn iyo tusaalayn ahba"Ayuu yidhi Md. Cabdikariim Maxamed Iid.

 

Isagoo ka hadlaya xukuumadda iyo sida ay u dhiirigeliso ganacsiga gaarka loo leeyahay wuxuu yidhi "Runtii waxaan kale oo aan halkan aan aad iyo aad uga mahad celinayaa dawlada oo runtii dhiiri galin aad iyo aad u badan siisay ganacsatada oo balaadhan,ayna u baahanahay marwalba in qaybta wada hadalka dawlada iyo ganacsatada gaarka ah uu marwalba socdo(Public private dialogue) oo laga wada hadlo lagana sheekaysto carqaladaha hortaagan iyo sidee ayaa aynu carqaladaha uga gudbi karnaa.”

Isagoo ka hadlaya caqabadaha jira, wuxuu yidhi “Runtiina carqalado badan ayaa jira,carqalada ugu wayna ee ina hortaagana waa carqaladii farsamada gacanta oo dalkeenu u baahan yahay in aynu kobcino,jaamacado badan oo danbe oo waawayn uma baahnin ee Iskuulo farsamo gacanta ah ayaa aynu u baahanahay,waxa weeye warshad laysagu tagay oo ay ahayd in ay caanaha soo saarto oo runtii ganacsatadu ay isagu wada tageen, laakiin marka ay ganacsatada wax ku soo dhacaan marka danbe waa uu baqdaa oo waxa uu yidhaahda waar inta yar halkan ku hayso dib meel danbe ha isaga galinee,warshadaas waxa fadhiisiyey runtii waxa ay ahayd allaabadii laga samaynaayey runtii dalka ma taalo, shaqaale farsamadii garanayaana dalkii ma jiro,waxaana aynu runtii u baahanahay in taa la xoojiyo oo aynu iskugu wada tagno,ganacsataduna ay fahmaan,in haddii aanay shaqaalaha maal gashi kaga qayb qaadan,aanay warshadahooda iyo ganacsigooda iyo maal gashigoodu in aanay u shaqaynayn run ahaantii"Ayuu yidhi Cabdikariim Maxamed Iid