AADCO Paper Factory Oo Bilowday Soo Saarista Waraaqaha Cadcad Ee A4

0
867

Picture5Hargeysa(Geeska):-Wershada wadaniga ah ee AADCO PAPER FACTORY oo soo saarta buugaagta waxbarshada ayaa shalay soo bandhigtay wajiga labaad ee warshadaasi ay ku soo saarayso waraaqaha cad cad ee loo yaqaano A-4.Waxaana munaasibad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayey lagu qabtay xarunta warshadaasi ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha  Somaliland Md:Cali Maxamed Waran Cadde,wasiirka ganacsiga Md:Muuse Qaasim,wasiirka waxbarashada Marwo:Samsam Cabdi Aadan,wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil,mulkiilaha warshadaasi Xaaji Aadan Axmed Diiriye(Aadan Baradho),maayarka caasimada Hargeysa,agaasimaha guud ee wasaarada warshadaha,guddoomiyaha ururka warshadlayda,guddoomiyaha rugta ganacsiga,guddoomiyaha shirkada Telesom,saraakiil sar sare oo ka socday Baanka Aduunka iyo Somaliland Bussiness Fund(SBF) iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi ka hadlay mulkiilaha warshada AADCO PAPER FACTORY Xaaji Aadan Axmed Diiriye(Aadan Baradho),waxaana uu sheegay in wajigii hore ee ay ku soo saari jireen buugaagta warbarashada si aada loogu mahadiyey guud ahaanba dalka oo dhan maantana ay xadhiga ka jarayaan wajiga labaad ee warshadaasi ay ku soo saarayso waraaqaha cad cad ee loo yaqaano A-4.waxaana uu sheegay in hore ay buugaagta waxbarashada uga haqab tireen guud ahaanba dalka iyo sida oo kale dalalka jaarka la ah Somaliland,isaga oo tibaaxay in hamiga warshada AADCO PAPER FACTORY ay hiigsanayso in geeska Afrika oo dhan ay gaadhsiiso adeegyada waraaqaha ee ay soo saarto.

“Waxaynu maanta iskugu nimid oo aynu furaynaa qaybtii labaad ee AADCO PAPER FACTORY, hore waxaynu u furnay oo madaxweynuhu xadhiga ka jaray qabtii buugaagta oo imika si fiican u socota gaadhayna dalka oo dhan iyo wadamada jaarka ah runtiina la mahadiyey, maantana waxaynu furaynaa wajigii labaad oo ah qaybtii waraaqaha cad cad oo aynu ku bilaabayno nooca loo yaqaan A4,  hore waxaanu u sheegnay in ujeedadayadu tahay inaanu dalka ka haqab tirno wixii ku saabsan waraaqaha ama buuq ha noqoto ama waraaqo ha noqotee, qorshahayaguna aanu ahayn mid ku eeg dalka Somaliland oo kaliya  balse ku tala galgayagu yahay inaanu wadamada jaarka ahna gaadhsiino, wax soo saarka warshaduna waxa uu ku xidhnaan doonaa baahida loo qabo inta ay leeg tahay, dhinaca mishiinadana wax ina xidhayaa ma jiraan oo waa la soo saari karaa wixii aynu u baahanaba, balse waxa la kordhinayaa saacadaha shaqada.”Ayuu yidhi Xaaji Aadan Baradho.

Xaaji Aadan Axmed Diiriye  oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ka hadlay caqabadaha ka warshad ahaan haysta,isaga oo tilmaamay in ay wali tabayaan maqnaanshaha Baananka,Laydhka iyo waliba iyada oo aanay dalka hore u joogin dad aqoon khibradeed u leh warshadaha.

“Dhibaatoyinka ugu daran ee nala soo darsa waxa ka mid ah inaynaan lahayn aqoonyahan warshadeed, taasina waxay kalifaysaa inaad u yeedhato dad ajanabi ah oo tababara shaqaalaheena, dhinaca baanankana dhibaatoyin ayaa nagala kulma  adiga oo lacagtaada sitana furan kari maysid L/C(Later Credit), waana waxyaalaha aqoonsi la,aanta inagu keentay laakiin dhibtu waxa weeyaan inaynaan wali samaysan sharciyadii ay ku iman lahaayeen baananku, waxa kale oo ka mid ah dhinaca Spare Pard-ka oo aan la heli Karin bir warshada ka jabtay,  waxa kale oo ka mid ah dhibaatooyinka ka haysta dhinaca laydhka, waxaanan samaysanay mishiino gaar u ah warshada.”Ayuu yidhi Aadan Baradho.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran-cadde oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ka soo qayb galaan soo bandhigida wajiga labaad ee warshada AADCO,waxaana uu tibaaxay in ay dhawaan dalka oo dhan laga hir galin doono layd jaban oo warshadan iyo guud ahaanba dalka ka caawin doona in ay helaan laydh ku filan.kaasi oo uu sheegay in ay Somaliland ay ka soo talaalan doonto wadanka Itoobiya.  “Maanta waxa farxad noo ah inaynu maanta iskugu nimaado furitaanka qaybta labaad ee warshada waraaqaha ee AADCO, waana horu mar iyo guul ay leedahay dawlada somaliland iyo shacabkeedu, waxyaalaha ugu muhiimsan ee warshadaha u baahan yihiin waxa ka mid ah laydhka, waxaanan ku bushaaraynayaa in dhawaan laydh inagu filan oo dalkeena horu markiisa qayb weyn ka qaata ka heli doono dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia.” Ayuu yidhi Md:Cali Maxamed Warancade.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin aad u tira badan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka warbarashada Somaliland,wasiirka diinta iyo awqaafta,maayarka caasimada,agaasimaha guud ee wasaarada warshadaha,guddoomiyaha ururka warshadlayda,guddoomiyaha rugta ganacsiga,guddoomiyaha shirkada isgaadhsiinta ee Telesom,iyo guddoomiyaha jaamacada Hargeysa,waxaana ay dhamaantood ay warshada AADCO PAPER FACTORY ku amaaneen sida ay guud ahaanba dalka uga haqab tireen baahidii loo qabay buugaagta,iyaga sida oo kalena si gaar ah warshada ugu amaanay wajiga labaad ee ay ku bilaabeen soo saarista waraaqaha cad cad.waxaana ay carabka ku adkeeyeen in ay dhamaantood ay warshada u noqon doonaan macmiilka koowaad ee sida tooska ah ugu xidhan warshada si ay dhiiri galin toos ah ay uga hesho bulshada dhexdeeda.

Madax ka socotay Baanka aduunka iyo Somaliland Business Fund oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ka qayb qaatan mashruucan ay shirkada AADCO PAPER FACTORY ku soo saarayso waraaqaraha cad cad,waxaana ay sheegeen in ay si aada ay u dhiiri galinayaan qorshayaasha ganacsi ee noocan oo kale ah.

Ugu danbayntiina wasiirka ganacsiga Somaliland Md:Muuse Qaasim oo halkaasi ka hadlay ayaa isna si aada ugu dheeraaday baahida hore loogu qabay waraaqaha cad cad ee ay hada bilaabeen  “Wax badan oo baahi ah oo ay qabaan warshaduhu way jiraan laakiin dawladan hada joogta ee aan ka tirsanahay wax badan ayey u qabatay, waxaanan u malaynayaa inaanay somaliland soo marin dawlad uga roon ganacsiga, waxaanan dhawaan bilawnay shir lagaga hadlayey  caqabadaha haysta ganacsiga ee ay ka cabanayaan dadka ganacsatada ah dawladuna ay dhagaysato dabadeedna iyaga oo wada jooga ay xalka gaadhaan.” Ayuu yidhi wasiirka ganacsiga Somaliland Muuse Qaasim.