Booliiska Kenya Oo Ku Adkaystay In Carmashii Caddayd Ay Weli Soomaaliya Joogto

0
731

Picture1Nairobi (Geeska)- Haayadaha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay in haweenayda sirdoonka reer galbeedku sida weyn u raadinayo ee Samantha Lewthwaite ay weli joogto gudaha Soomaaliya. Xafiiska uu booliiska caalamiga ah ee INTERPOL ku leeyahay Nairobi iyo cutubka argagaxiso la dirirka ee booliiska dalkaas ayaa si kala gaar-gaar ah u shaaciyey in aanay illaa hadda haynin wax caddayn kara warka warbaahinta qaar faafisay ee sheegaya in haweenaydan oo loo yaqaanno Carmasha cadi ay ku dhimatay dalka Ukraine. Saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in si ay arrintan u xaqiijiyaan ay kala xidhiidheen xarunta dhexe ee booliiska caalamiga ah, laakiin jawaabta ay heleen ay noqotay in aanu jirin wax raad ah oo lagu rumaysan karo in ay gabadhaasi ku dhimatay dalka Ukrain, iyaga oo warkaas ku go’aan qaadanaya ayaanu madaxa xafiiska Nairobi ee booliiska caalamiga ah Vitalis Okumu uu yidhi, “Waxa aanu weli ku taagannahay warbixintayadii hore ee ahayd in ay gabadhaasi Soomaaliya joogto” Waxaa isna warkaas ku raacay sarkaal ka tirsan booliiska argagaxiso la dirirka ee dalka Kenya oo ka gaabsaday in magaciisa la faafiyo, waxa aanu sheegay in taliskoodu uu aaminsan yahay in gabadhaasi ay Soomaaliay joogto. “Warbixinaha sheegaya in ay ku dhimatay Ukraine sax ma’aha” ayaa ka mid ahaa hadallada sarkaalkan.

Wargeyska Daily Mail oo uu geeska Afrika soo xigtay oo isna arrintan wax ka qoray ayaa ku adkaystay in haweenaydan oo uu qabi jiray nin sannadkii 2007 isku qarxiyey magaalada London ay weli joogto Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada koonfurta, iyada oo halkaas uu ku qabo nin ka mid ah xubnaha Alqaacida ee la raadinayo oo magaciisa ku sheega Marco Costa. Laakiin baasaboorka dalka Mozambique oo foojari ah oo uu mar ninkani ku safray, sawirkiisuna ka muuqdo, magaca ugu qorani uu ahaa Fahmi Jamal Salim. Ninkan ayaa uu booliiska dalka Kenya raadinayey tan iyo sannadkii 2011ka, kadib markii uu laba sarkaal oo booliiska dalka Kenya ah ku dilay magaalada Nairobi. Salim seedigii oo lagu magacaabo Muuse dheere ayaa isaguna sannadkii 2011ka ku geeriyooday jid goyn ciidamada dowladdu u galeen oo ay ku dileen isaga iyo hoggaamiyihii caanka ahaa ee Fazul Maxamed.

Wakaaladda wararka ee Moscow ayaa mar sii horreysay faafisay in gabadhan oo ah shiish-yahanad uu dilay shish-yahan ka tirsan ciidamada Ruushku mar ay ka barbar dagaalamaysay maleeshiyooyin reer Ukraine ah oo dagaal kula jira ciidamada Ruushka ee taageera gooni-goosatada bariga Ukraine.

Haweenaydan oo muddadii la raadinayey haddana marar badan ku guulaysatay in ay siyaabo kala duwan ugu socdaasho baasabooro dalal kale, ayaa la aaminsan yahay in ay ururka Al-shabaab wax badan ka caawisay arrimaha bangiyada iyo soo iibinta qalabka, waxa aanay si gaar ah ugu daacad ahayd hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab. Ugu dambayntiina booliiska dalka Kenya waxa ay sheegeen in ay aad uga cabsi qabaan in haweenaydani ay weerarro aargoosi ah la u maleegayso dalkooda.