Jimicsiga Xilli Kulaylaha Oo Laga Digay

0
639

Picture9New York (Geeska)- Dhakhtarad aad looga dambeeyo oo ku takhasustay caafimaadka wadnaha ayaa ka digtay in jimicsiga iyo ciyaarta la sameeyo marka cimiladu ay halis ku tahay caafimaadka wadnaha. Drs. Holly Anderson oo ka tirsan xarunta caafimaadka ee Cornell oo hoos yimaadda cisbitaalka jaamacadda Brespenzin Weil oo ku taalla New York ayaa sheegtay in dadka jimicsiga iyo ciyaaraha sameeya xilliyada xagaagu ay dhididaan in ka badan inta ay dhididi lahaayeen haddii ay jimicsigan sameeyaan xilli aan kulaylku badnayn, taas oo keenta in uu ku dhaco daal, awood darro iyo weliba halista ah in ay ku dhacaan cudurrada wadnuhu.

Drs. Anderson waxa ay ku talisay in xilli kulaylaha la iska ilaaliyo jimicsiga ama ugu yaraan aad loo khafiifiyo, waxa ay dhakhtaraddu ku talisay in xilliga kulaylka gaar ahaan xagaaga qofka la gudboon tahay in uu qaato xaddi ku filan oo biyo ah si uu jidhkiisa uga ilaaliyo qallalka. Waxa ay dhakhtaraddan ku talisay in dadka jimicsiga samaynaya xilliga aynu galnay ee xagaaga ay la gudboon tahay in ay jimicsadaan subaxa hore iyo galabnimada gaaban oo ah labada xilli ee jewigu qabowga noqdo. Iyada oo intaas ku dartay in meel aad u qabow oo uu qofku ku dhex jimicsadaa ay keenayso in qofku si fiican u neefsado isla markaana aanu cadaadis dhib keenaa fuulin labada sambab iyo laabta.