Waxa La Yaab Leh In Dowladdu Maanta Ay SNM Kaga Mudan Yihiin Kaadiriintii NSS-tu

0
586

Picture2Maalin waliba waxa aan marnaba ka  guureyn xiska muwaadin kasta oo reer somaliland oo damiir fayow lahaa gudagalkii Burco ee May 27, 1988, Iyo gudagalkii Hargeysa ee May 31, 1988.  Waxa ay xasuus dheer u leedahay mujaahidiintii Ciidanka xoreynta SNM khaasatan ciidanka qaybaha 12 ee Madiina iyo 31 ee Maka lagu wanqalay oo ka qayb galay hawlgalkii cuslaa ee Hargeysa iyo Burco.

Hadaba xiligaas oo ku beegnaa heshiiskii kelidii taliye Afweyne Barre iyo Mengistu Hayle ay ku gadheen Djibouti ee uu Xasan Guleed dhexdhexaadinaayey, waxa 4th April 1988 bilaabmay fulintii heshiiska oo dhigayay in la kala fogeeyo ciidamada xuduudah degen, ayna kormeeraan madaxdii qaybta 26aad iyo saraakiishii qaybta hararge ee bariga itoobiya.  Waxaanay dowaldiihii u bilaabmay booqashooyin iyo in ay Itoobiya ku amartay ciidamad SNM in ay ka soo baxaan jiida hore ee xuduuda, laguna soo xereeyo xeryo hub-ka-dhigis ah oo gudaha Itoobiya ku yaala, sidoo kale waxa ciidamadii SNM laga joojiyay dhammaan taakulyntii saanada iyo shidaalka ee ay Itoobiya hore u siin jirtay.

Waxa kor u kacay niyadii ciidamada Afweyne oo ku hamiyay in ciidamada SNM ay u qaybsami doonaan wax xuduuda ka soo talaaba oo is soo dhiiba iyo wax xeryaha Itoobiya ku abaada.   Waxa ay ciidamadii faqash bilaabeen hawlgalo degdeg ah oo ay ku sii naafaynayaan cududa ciidamada SNM ee ku sugnaa xuduudaha dushooda.  Taliyihii qaybta 26aad Morgan “cabdi bile” oo la hadlaya saraakiishii iyo ciidamadiisii duulaanka ku soo qaaday ciidanka SNM ee fadhiisinkoodu ahaa tuulada Cabdi Yusuf isaga oo la dardaarmaya ayaa waxa uu yidhi : “Waa tiro yar oo gaajaysan ma haystaan tekniko, mana jirto taakulayn xaga danbe uga imanaysaa , shaqada labaad oo dhinaca galbeedka ah ayaa isku waqti hawlgalkiinu bilaabmayaa, waa in aad qoorta ka soo wada xidhxidhaan, si ay kuwan gudaha joogaa ugu quus qaataan”.

Dagaalkaasi oo ay guushiisa meel sii dhigteen may mahadin.  Waxa hawlgala Hargeysa uu 3 maalmood oo qudha ka danbeeyey markii ciidamada xoreynta ee Qeybtii 12aad ee Madiina ay weerer culus ku hilaaciyeen magaalada Burco.  Iyaga oo ciidamada cadawgu ay ka war hayeen duulaanka SNM ee ku soo maqan waxay dadweynihii Hargeysa iyo Burco ee waxba gaysan ay saareen culays xad-dhaaf ah waxay xasuus aan go’ayn u leedahay dadkii Hargeysa iyo Burco xiligaas ku sugnaa waxa ciidamadii Afweyne la soo safay wadooyinka iyo xaafadha Hargeysa, Burco , Berbera, Gabiley, Ceerigaab iyo Shiikh, waxa ay suuqyada iyo guryahay hortooda ka ugaadhsanayeen dadka muuqda sidii ugaadha.  Waxa ay magaalooyinkaasi muquurteen bandoo ann habeen iyo maalin toona kala lahayn.

2:00AM, habeenimo ee May 31 1988 ayay magaalada Hargeysa ku baraarugtay shanqadha raasaasta ciidamada xoreynta SNM ee ka hilaacay fadhiisimada qaybta 26aad ee Hargeysa.Mujaahid Muse Bixi ,  Dhagaweyne,  Abdiraxmaan Aw-Cali, iyo Saraakiil kale oo fara badan oo leh wax dhintay iyo wax noolba  , halka ay ka burco hogaaminayeen Mujaahid Moxamed Kaahin, Ahmed Mire iyo Saraakiil kaloo badan , hawlgalkii hargeysa oon wax ka weydiiyay laba mujaahid ee muse bixi iyo dhagaweyne xasuusta in ay sawir kooban ka bixiyaan iyaga oo arrintaa ka jawaabaayan waxa ay yidhaahdeen:

“ Maalintaasi waxa ay ku beegnayd muddo ay sanad ka soo wareegtay dilkii mujaahid weynaa ee Adan Sh. Maxamed “ Adan shiine” oo May 31 1987 lagu dilay jigjiga , waxay ahayd maalin adag, waxay ahayd maalin la kala doortay geeri iyo nolol, waxay ahayd maalin ciidamadii SNM iyo shacbigoodii nolosha naceen, kana door bideen in ay huraan naf iyo maalba.  Waxay ahayd go’aan shacbi ka dhiidhiyay dulmi, waanay ka midaysnaayeen shacbiga iyo SNM gudo iyo dibadba.

Fulinta go’aankaa adag waxa ku suntanaa ciidamadii xoreynta SNM oo si dhiiran u fuliyay, oo midhaheediina noqday xorriyadda Somaliland ee maanta la wada hadhsanayo Ilaahayna how naxariisto intii ku shahiiday…Amiin.

Haddaan eego waayaha maanta ee dalka iyo ururka SNM …hadaan ku horeeyo ta dalka Somaliland isma lahayn maanta oo somaliland jirtay mudo ka badan 23 sanadood in ay ku sugna doonto xaalada aan adduunku ictiraafsanayn, hase yeeshee waxaynu haynaa dalkii iyo nabad lakiin umadu may helin wixii ay filanayeen.   Mar haddii aynu halgan iyo duruufo adagna soo maray, xaalada maanta dalku ku sugan yahay waa mid werwer leh dhinca cadaalada, horumarka iyo  dhaqaalaha mar haddii dhaqaale xumo timaadana horumar bulsho ma imanayo, haddii horumar la waayana waxay keentaa murug siyaasadeed oo dib-u-dhac horseeda.

Ta SNM mar hadday dalkii horaysay dadkiisiina maamulaayo guul bay taagan tahay, waxase la yaab leh oo ay taariikhduna xusi doontaa in dowladda maanta ay Mujaahidiintii u soo halgantay kaga mudan yihiin Kaadariintii Xisbigii iyo NSS Afweyne. Isla markaana ay umadda u sheegaan been cad oo ah Mujaahidiintii dalkan u soo halgamay ay duminayaan.  Taasna waxaan

Waxaan ku soo xidhayaa qoraalkan Taariikhdu way kala sheegi La Soco

 

“ kii idin gawracay iyo guusha kii dhaliyay “ , SNM aboolkooda Ilaahay baa siin, lakiin shaicibkii ay u soo dhinteen kamay fileen in ay ku abaalka daraan, lakiin xaga rabi ayaa laydinka jari doonaa.  Abwaan Qaasim ayaa bari hore yidhi tixdan “ Olalihii iyo mar uun baa la shid kii arbacadiiye, Mar uun baa dar iimaanka qabaa la egman doonaaye, cisha aan fogay waxa is badali ciidan fara weyne, cagta ii dhig waa kaa nafsigii soo carceersadaye.” .

An African Proverb says “  the bell rings loudest in your own home”…hadaan yara sharaxo maahmaahdan aan idhaahdo sidan

As you look around the community, society, the world, you probably see many things you would like to change, Injustice, inequality, hatred and poverty probably disturb you.  You may be angered by the lack of respect and insensitivity to people and their needs.  You want to speak out and sometimes strike out to make the changes happen, but don’t forget that God works from the inside out.  You must first look within yourself to eliminate the fear, the anger, the imbalance in your life.  Then and only then can yu move forward to create peacefully and powerfully the changes needed in the world.  Somalilanders the world you want begins within you.

 

 

ANIIS CABDILLAHI CIISE

SOMALILAND  A.G  IN

WASHINGTON DC