Dalka Jarmala Oo Dadkiisa Uga Digay Weerar Khatar Ku Ah Noloshooda Oo Ay Ku Soo Qaadayaan Shimbiro

0
638

Picture4Berlin (Geeska)- Booliiska Magaalada Berlin ee caasimadda dalka Germany ayaa dadka dalixiiska iyo dadka magaalada Berlin uga digay suurto galnimada weerarro halis ah oo shibirka tukaha loo yaqaannaa uu ku soo qaadi doono dadka. Booliiska oo si gaar ah ugu digay dadka dalxiiska iyo tamashlaha ugu baxa deegaannada dibadda ka ah magaalada Berlin, waxa ay digniintooda ku sheegeen in ay isa soo tarayaan weerarro shimbirka tukaha oo raabo raabo ahi uu ku qaadayo dadka, waxa aanay xuseen in weerarradaa kii ugu dambeeyey dhacay markii raxan tuke ahi ay weerar ku qaadeen nin 41 jir ah.

Tukahan weerarka ah oo badnidiisa awgeed lagu masaalay hirar ayaa ay booliisku sheegeen in markii uu ninkan weeraray uu si deg deg ah u bilaabay in uu afkiisa ku dhuuqo madaxa ninkan, alaakiin nasiib wanaag ninkani waxa uu ku badbaaday shandad kuwa dhabarka lagu qaato ah oo uu isaga dhigay. Warbaahinta dalka Germany ayaa qortay dhawr maalmood gudahood ay dhaceen lix weerar oo midkood nin ka riday baaskiil, oo uu tukuhu ku soo qaaday magaalada Berlin. Laba tuke oo iyaga ay si gaar ah uga muuqato cadaawad ayaa buul shimbireed ka dhistay meel aan ka fogeyn Masraxa (Tiyaatarka) qaranka waxa aanay si isdaba jooga u soo qaadeen weerarro. Booliiska magaalada Berlin ayaa bilaabay tallaabooyin amni oo ay kaga hortagayaan weerarrada tukaha. Hayadaha u dooda xuquuqda xayawaanka iyo deegaanka ee dalka Germany ayaa dembi ka dhigaya in xayawaanka la laayo ama laga burburiyo gabboodyadooda sidaa awgeed booliisku waxa uu ku dhici waayey in uu burburiyo buulka labadan tuke ka dhisteen suuqa dhexdiisa. Balse waxa ay goobta agteeda ka taageen boodhadh waaweyn oo ay dadka uga digayaan in ay goobtan u dhowaadan. Illaa hadda Lama garanayo sababta keentay in tukahani ku kaco colaaddan iyo cadaawadda uu u qabo dadka reer Berlin.

Qisadan oo sheekooyin xiise badan ka dhex abuurtay dadka dalkaas iyo guud ahaanba dadka warbaahinta kala socday ayaa dad badan xasuusinaysa Filimka Maraykanka ah ee The Bird oo uu allifay Alfred Hitchcocok. Filimkan oo laga soo dheegtay qiso isla magacan leh ayaa ka waramaya magaalo yaro oo ka taalla San Francisco Bay  oo si lama filaan ah sababteedana aan la garanayn ay u soo weerareen shimbiro tiro badan oo raabo raabo u socota, dad badanna ay ku wax yeelleeyeen.