Shaqada Waqtiyada Kala Duwan (Kaltanka Ah) La Qabtaa Waxa Ay Soo Dedejisaa Gabow Maskaxda

0
666

London (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in qofka oo muddo dheer ay shaqadiisu noqoto waqtiyo kala duwan, gaar ahaan habeen ah ay ku soo dedejiso gabowga maskaxda. Cilmi baadhistan waxaa lagu ogaaday in shaqada qaabkan ah (Muddo habeenkii ah, kadib maalintii gelinka hore, haddana gelinka dambe oo ah qaabka kaltanka loo yaqaanno) haddii uu qofku wado muddo toban sano iyo ka badan ah ay ku keento hoos u dhac ku yimaadda fahamka iyo maskaxda qofka, xaalad la mid ah ta ku timaadda qofku marka uu da’ ahaan weynaado.

Cilmi baadhistu waxa ay caddaysay in tijaabooyinkii ay sameeyeen khubaradu ay ku ogaadeen in qofka shaqadiisu qaabkan tahay, haddii ay shaqadiisu socoto muddo kadibna uu joojiyo, lagu arkay in muddo ugu yaraan shan sano ah oo ka dambaysa marka uu qofku shaqadan joojijiyo uu sii jiro raadka taban ee ay shaqadaasi kaga tagtay caafimaadka maskaxda ee qofka. Daraasado hore loo sameeyey ayaa iyagunaa daahfuray in shaqada uu qofku qato waqtiyo kala duwan oo aan aan joogto ahayd ay khataro kala duwan ku keento caafimaadka qofka. Dhinaca kalana daraasadahan kala duwani waxa ay iftiimiyeen in shaqada habeenkii ay khalkhal ku keento hannaanka shaqo ee abuurka ah ee jidhka, sidaa awgeed uu qofku halis u yahay cudurka kansarka gaar ahaan dumarka oo la aaminsan yahay in dumarka habeenkii shaqeeyaa ay boqolkiiba 30 halis u yihiin kansarka naasaha ku dhaca.