Adkayso adaa U Badheedhee (Sheeko London Ka Dhacday)

0
654

Magaalada LONDON oo sanadahii sagashameeyahii horanteedii ay haweenka soomalidu ku yarayeen waxaa qaali ahaa AROOSYADA iyadoo shuruudahuna ay xadiid ahayeen , dabcan dadka ayaa iyaguna ay ku yareeyd inay racaan sunaha arooska islaamka oo fududeeya guurka .si kastaba ha ahaate rag badan oo Guur doona ayaa birta qaniinay si ay lacag u helaan oo shuruudaha u buuxiyaan lagu xidhay ,iyaga oo MOOFIYANKA waaweyn ee LONDON shiftiyo dhaadheer gali jiray oo laba iyo toban sacadooda maalintii iyagoo u adkaystay kulaylka iyo dhibaatada shaqadaasi leedahay. Haddaba markaa aroosyadaa la abaabulayo waxaa iyana lala soo hadali jiray Xubno ka tirsan hobollada WAABERI oo uu gadhwadeen u yahay CABDILAAHI SOORAAN oo isagu qiimaha goyn jiray arroskaa ama xafladaa laga heesayo .Hobbolada KHADRA DAAHIR CIGE iyo Hobolka CABDI NUUR ALAALE ayaa badiyaa ka heesi jiry iyadoo SAMRIYENA xaga muusiga yahay .

Ninka arooska dhiganaya ayaa soo waci jiray SOORAAN oo odhan jiray xafladaas ayaan rabaa halkaas oo qiimaha gorgortan ka dhici jiray, haddaba marka qiimaha laysla meel dhigo ayaa SOORAAN , la tashan jiray Hoboolada , haddii ay lacagtu FIICAN tahay waxaa arooska heesta bilaabi jirtay KHADRA DAAHIR oo ku bilaabi jiraty heesta caanka ah ee ALLAYLEHE AQOONYAHAN , haddi lacagtu ay yartahayna waxaa heesaha furi jiray hobolka Cabdinuur Alaale oo ku bilaabi jiray heestii loogu jawaabay bintu gacal ee ADKAYSO ADOW BADHEEDHEE, halkaas oo la sheegay inay labada isguursadayba yara kal shakiyi jireen .

waxaan uga socdaa dadka hawlaha kuu wada ama shaqaalaha ku ah waligaa wanaaji ,haddii kale xaalku waa ADKAYSO ADAW BADHEEDHEEE.

Abdirahman Bidhan Dahir communication and media consultant