Sababaha Ugu Badan Ee Waqtiga Ka Lumiya Qofka Shaqaalaha Ah Ama Waajibaad Badan U Yaallaan

0
891

Riyaad (Geeska)- Shaki kuma jiro in waqtigu uu yahay waxa uu yahay hantida ugu qaalisan ee ruuxu haysto, haddii uu yahay qof shaqeeyana waxa aynu ku tilmaami karnaa in uu nolosha qofka yahay, laakiin waxaa jira oo weliba aad u badan sababo iyo cudur-daarro aynu ku sheegi karno tuugta waqtiga xadda, iyaga oo weliba si sibiq ah ilbidhiqsi-ilbidhiqsi iyo daqiiqad-daqiiqad u luminaya, illaa goor dambe uu qofku dareemo in saacado badani ka lumen. Geeska Afrika oo soo xiganahaya Majaladda Sayidatii ee ka soo baxda Imaaraadka Carabta ayaa qormadan maanta kugula wadaagaya qaar ka mid ah cudur-daarradaas waqti lumiska ah ee aynu ku magacownay tuugta waqtiga. Waxa aanu akhristayaashiisa xurmada leh kula talinayaa in ay ka feejignaadaan tuugtan oo sideeddani ugu muhiimsan yihiin:

1- Waqti dheeraysiga iyo dib u dhigista:  Dadku inta badan waxa ay iska jecel yihiin jiitan iyo in cudur daar ay u raadiyaan shaqo ay maanta qaban lahaayeen si ay berri ugu riixaan, isaga oo awoodi kari lahaa in uu maanta dhammeeyo. Inta badan sababaha shaqaalaha ku keena in ay shaqada dib u riixaan waxaa ka mid ah; qofka ooh awl necbaysanaya, xamaasaddii iyo xiisihii shaqadu u baahnayd oo aanu lahayn ama qofka oo fashilaadda ka baqa. Waxase lagu tilmaamaa in uu yahay tuugga ugu weyn ee waqtiga qofka lumiya.

2. Kala mudnaysiinta hawlaha oo qofka ka lunta: Dad badan ayaa ay ka qaldan tahay in shaqada inta aanay bilaabin ba ay marka hore eegaan sida ay hawshoodu u kala mudan tahay una kala muhiimsan tahay, tusaale ahaan hawsha u baahan in uu hadda dhameeyo iyo tan uu dib u dhigi karo. Waa tuugga waqtiga, oo waxa aad arkaysaa qofka oo waqtigiisa oo dhami ku lumay hawl ay u yaallaan hawlo ka muhiimsani. Sidaa awgeed qofka waxaa lagula talinayaa inta aanu shaqada bilaabin in uu marka hore qoro liiska shaqooyinka u yaalla oo uu u kala hor bilaabayo sida ay u kala mudan yihiin.

3. U fiirsasho la’aan:  Marka aad hawl bilaabayso, ee aad si kedis ah u hakinayso, kadib markii ay hawl kale kaa soo dhex gashay, sida talefanka oo soo dhacay ama shaqo degdeg ah oo timid, inta badan waxa ay qofka ku keentaa in maskaxdiisu baahdo oo fiirsigu ka lumo, sidaa awgeed marka uu hawshii soo dhex gashay dhamaysto, waxaa dhacda in uu awoodi waayo in uu dib ugu soo noqdo hawshii hore si uu u sii ambaqaado, isaga oo laga yaabo in uu hawl kale oo tan dambe la xidhiidhay sii galo ama tii dambe iska sii wato. Haddaba waxaa laguugula talinayaa in mar kasta oo hawl cusubi kaa soo dhex gasho shaqo aad u wadatay, in aad aad ugu feejignaato ku soo noqoshada hawshaada hore. La soco qayb kale iyo cadadka dambe Idan Alle.