Baarlamanka UK Oo Ka Dooday In Bisado La Keeno Xaruntooda Si Ay Ula Dagaalamaan Jiirka Oo Ku Batay

0
677

London (Geeska)- Baarlamanka Ingiriiska ayaa dood xiise badan ka yeeshay qorshe ah in uu bisado badan hoygiisa ku casuumo, si ay ugala dagaalamaan jiir si weyn ugu faafay gudaha qasriga Westminster ee uu dhex deggen yahay baarlamanku, laakiin daraasad arrinta inta aan la fulin la sameeyey ayaa shaacisay in jiirkan oo xal laga gaadhaa ay u baahan tahay in bisadaha la keenayo qasrigu ay aad u bataa, maadaama oo isaga tiradiisu xad dhaaf tahay.

Anne McIntosh oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Ingiriiska ayaa soo jeedisay in la soo raro bisado ku nool xarun lagu dhaqo oo ku dhow guriga baarlamanka si loo xakameeyo faafitaanka xawliga ku socda ee jiirkan. Xildhibaanaddan oo ka tirsan xisbiga Muxaafidiinta ee talada dalka haya ayaa hadalladeeda waxaa ka mid ahaa, “Tirada jiirku faraha ayaa ay ka baxday, gaar ahaan goobaha cuntada la keeno ee ka tirsan qasriga, taas oo, dabcan, khatar ku ah caafimaadka guud” Dooddan ay xildhibaannadu arrintan ka yeesheen ayaa xildhibaan John Tursu oo ka qayb galay uu sheegay in maadaama oo xarunta baarlamanku ay aad u weyn tahay ay noqonayso in tirada bisadaha la keenayaana aad u bataan, taasina ay keenayso dhibaato dhinaca soo helidda bisadaha ah iyo weliba culays in ay bisadahaasi dhismaha ku noqdaan. Xildhibaanka oo isagu ka tirsan xisbiga Liberal Democrats waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Fikirka ah in aynu tiro aad u badan oo bisado ah keensanno baarlamanku, waxa ay leedahay dhibaatooyin badan”

Tan iyo 1920naadkii jiirku waxa uu ahaa mushkiladda ugu badan ee laga cawdo aqalka baarlamanka Ingiriiska, waxa aanay gaadhay xilli uu noqdayba sidii oo la ogol yahay ku noolaanshiyihiisa, oo xataa jiir ka mid ahaa oo aad loo arki jiray, lagu magacaabay, agaasimaha xafiiska, laguna daray liiska mushaharooyinka shaqaalaha dowladda ee golaha ka hawlgala.