Nuxurka Laba Dhambaal Oo Ay Guddoomiye Saleban Iyo Gudoomiye Cirro Isu Direen Bilowgii khilaafka Mashruuca Diiwaangelinta Iyo Qodobada Ay Isu Adeegsadeen

1
647

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa helay dhambaalo ay bilowgii khilaafka sharciga diiwaangelinta isweydaarsadeen labada guddoomiye ee goleyaasha wakiilada iyo guurtida Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Md. Saleban Maxamuud Aadan.

Qoraaladan ayay labada guddoomiye isu direen ka dib markii ay golaha guurtidu soo celiyeen xeerka diiwaangelinta ee khilaafka culus dalka geliyay. Dhambaalka koowaad oo uu qoray guddoomiyaha golaha guurtidu 16/10/2014, kuna socodsiiyay guddoomiyaha golaha wakiilada, ka dib markii ay guurtidu xeerkaas soo celiysay, ayaa wuxuu ku yidhi sidan “Ujeedo: Xeerka Wax ka badalka iyo Kaabista Xeerka Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Xeer No:37/2007

Xeerka Wax ka badalka iyo Kaabista Xeer No:37/2007 ee aad Golaha u soo gudbiseen kuna lifaaqan halkan iyo kii golaha laga ansixiyay farqi ayaa u dhaxeeya,sida ku cad qodobada todobaad, faqradiisa 2-aad, 25-aad iyo 26-aad. Sidaas daraadeed waxaan idinka codsanayaa in aad is waafajisaan soona gudbisaan nuqul rasmi ah, oo ah kii golaha ka ansaxay.”

Hase yeeshe guddoomiye Cirro ayaa guddoomiye Saleban u diray dhambaal jawaab ah 18/10/2014, waxaanu ku yidhi “Ujeedo: Wax kabadalka iyo Kaabista Xeerka Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Xeer No:37/2007. Tixraaca, qodobka 7-aad iyo 8-aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, waxaa uu Golaha Guurtidu xaq u leeyahay marka Golaha Wakiiladu u gudbiyo mashruuc sharci in uu ogalaado,wax ka badalo,ama diido,iyada oo la eegayo wada shaqaynta Labada Gole iyo nidaamka loo raaco Mashruuc sharci. Waxaan codsanayaa in nidaamka sharciga loo raaco mashruuc sharci.

Sidaas darted,waxaan Mudane guddoomiye halkan aan kuugu soo lifaaqayaa warqadii iyo lifaaqii aad Golaha u soo gudbisay wada shaqayn wacan.”

labo

Comments are closed.