Laba Mudane Oo Kala Taageersan Madaxweynaha Iyo Guddoomiye Cirro Oo Dood Kulmisay Isugu Hanjabay Mooshino

0
604

doodHargeysa(Geeska)-Laba xildhibaan oo kala taageersan Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Cirro, kana tirsan golaha wakiilada, ayaa dood adag oo ay yeesheen waxa ay isku weydaarsadeen weedho kulul oo xanaf leh.

Labada xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Ibrahim Caraale Ruush oo taageersan Madaxweyne Siilaanyo iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo taageersan guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa waxa ay isku haleeleen dood uu xalay sii daayay Telefishanka Bulsho oo uu daadihinayay weriye Saleban Ibrahim Xaashi, waxaanay labada xildhibaan kaga doodayeen khilaafka ka taagan golaha iyo wakiilada iyo xeerka diiwaangelinta ee lagu mursanyahay ee obocda u ah khilaafka dalka saameeyay.

Labada xildhibaan waxa uu mid waliba garabka uu ka tirsanyahay ku difaacayay weedho xoog badan, waxaanay isu jeedinayeen eeddo. Xildhibaan Ruush ayaa guddoomiye Cirro ku eedeeyay inuu wax ka bedel ku sameeyay xeerka diiwaangelinta oo ay ansixiyeen aqbaliyada golaha wakiiladu, “Xeerka No 73 ee uu guddoomiyuhu golaha wakiladu cuskaday ee distoorka, isagaa haya, distoorka ayaanu jebiyay, wuxuu ku jebiyay xeerkii goluhu uu ansixiyay ee 64 mudane u codeeyeen xeer aanu ahayn oo foojari ah ayuu gudbiyay.” Ayuu yidhi Md. Ruush, laakiin xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, ayaa isna dhinaciisa ka difaacay guddoomiye Cirro eedaha loo jeediyay, waxaanu ku dooday inay xukuumadu u soo gudbisay golaha xeer foojari ah, waxaanu garabkan ka soo horjeeda ku eedeeyay inay muddo kordhin doonayaan islamarkaana ay doorashada carqadalaynayaan.  “Nimankani [garabka KULMIYE] hadday doonayaan intay golaha yimaadaan ayay tana [xeerka ay leeyihiin waa la bedelay] soo dhigi lahayeen mooshin ay kaga doodayaan, komishankana ansixin lahaayeen.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xoog, oo intaas raaciyay, “Iyaguna [garabka kale] waa doorasho diid, annaguna  waxaanu nahay doorasho iyo dimuqraadiyad doon.”

Hase yeeshe, doodda ayaa mar keliya isu bedeshay mid u dhaxaysa Madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha wakiilada, ka dib markii uu xildhibaan Ruush ku hanjabay inay guddoomiyaha xilka ka qaadi doonaan haddii gar laga waayo. Taas oo uu xildhibaan Cabdiraxmaan Xoogna bedelkeeda so dhigay inay Madaxweynaha xilka ka qaadi doonaan. “Guddoomiyaha waxaanu xaq ugu leenahay xeerkii aanu ansixinay inuu ansixiyo, digniin ayaanu u diraynaa, haddii uu digniintaas diido, komishanka oo aanu ansixino waxaanu ka horaysiinaynaa xilka oo aanu ka qaadno.” Ayuu xildhibaan Ruush yidhi.

Laakiin Cabdiraxmaan Xoog oo aad uga cadhooday hadaaka ka soo yeedhay xildhibaanka kale ayaa isna yidhi  “Taasi waa tii lagaa raacay maalintii dhawayd markaad tidhiye, madaxweynahaagan xanuunsanaya ayaan xilka ka qaadayaa. Xilkaan ka qaadayaa. Waryaa, madaxweynaha aan xilka gudanayn ayaan xilka ka qaadayaa. Imisa distoor ayuu jebiyay.”

Xildhibaan Ruush ayaa doodda ka dhex galey oo ugu hal celiyay “Ma 17 xildhibaan ayaad [madaxweynaha] kaga qaadaysaa.” Cabdiraxmaan Xoog ayaa isna ugu jawaabay “17 ma haysto waad is leedahay  17 ayuu haystaaye car soo dhig mooshinka [ka’ Cirro], haddaan soo dhigi waayo car soo dhig. Markaad guddoomiyaha soo dhigto kaas [moshinka madaxweynaha] ayaan soo dhigayaa.”

Ibrahim Ruush ayaa xildhibaan Xoog weydiiyay, “Gar iyo gardaba miyaad ku raacaysaa [Cirro].” Laakiin xildhibaan Xogo ayaa yidhi, “Waar adeer heedheh, “Adna isagaad [Madaxweynaha] la socotaa ana isagaan la socdaa ee inagu kala kaxee.”

Khilaafkan ka dhex taagan golaha wakiilada ayaa u muuqda inuu wejiyo kale oo cusub yeelanayo haddii aan deg deg xal loogu helin.