Madaxweyne Siilaanyo: “Muxuu Odayaal Ayga Kaga Tagay”Warbixin Uu Geeska Afrika ururiyay

0
516

aygaguurMaanta waxaan halkii ka sii wadaynaa qormadii aan kaga hadlaynay qaar ka mid ah raggii iyo dumarkii la soo halgamay Madaxweyne Siilaanyo waagii uu mucaaradka ahaa, balse hadda aan laga soo dhawayn madaxtooyada, maantana waxaanu soo qaadanaynaa:

Maxamed Nuur Caraale (Duur): wuxuu ahaa xildhibaan laga soo doortay gobalka Saaxil, oo ka soo baxay xisbigii UDUB. Laakiin markii uu golaha wakiilada ka mid noqdayba waxay siyaasadiisu la jaan qaaday xisbiga KULMIYE ee wakhtigaas uu Madaxweyne Siilaanyo siyaasadda mucaaradeed ku hoggaaminayay. Duur oo ah nin aftahan ah wuxuu si adag uga horyimid Madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisii UDUB oo ay hormuudkiisa ka mid ahaayeen rag ay ehel ahaan is xigeen. Waxaanu door biday inuu garab istaago KULMIYE, kana shaqeeyo sidii uu Axmed Maxamed Siilaanyo u noqon lahaa Madaxweynaha qaranka. Duur, waxa uu noqday wasiirkii arrimaha gudaha markii uu Dr. Maxamed Cabdi Gaboose xilkaas iska casilay. Dad badan ayaa Mr. Duur oo wakhtigaas ahaa xildhibaan kala taliyay inuu qabto xilkaas wasiirnimo, laakiin wuxuu qaatay go’aan ah inuu ka garab shaqeeyo madaxweynihii uu halganka adag ee siyaasadeed la soo galay. Si ay wax u dhaceenba Duur wuxuu maray jidkii la mariyay raggii ka horeeyay, waxaana xilkii laga qaaday 12:00 habeenimo, iyadoo lagu bedelay Cali Maxamed Warancade oo ahaa wasiir ka tirsanaaa xukuumadii Daahir Rayaale oo ay Mr. Duur iyo rag kaleba ku kala go’een hiilkii Axmed Siilaanyo. Mr. Duur, waxa ay dad badani qabaan inaan wakhtigan laga jeclayn madaxtooyada.

Cali-Gurey:   Mujaahid Cali-Gurey siduu sheegay wuxuu ka mid ahaa raggii tirsanaa ee uu Axmed Maxamed Siilaanyo beegsaday markii uu xisbiga KULMIYE aasaasayay. Cali wuxuu sheegay in Axmed Siilaanyo uu goor habeenimo ah gurigiisa ugu yimid, kana codsaday inuu xisbiga la aasaaso, kalana shaqeeyo sidii uu u guulaysan lahaa. Cali wuu aqbalay codsigii Axmed Siilaanyo, waxaanu ka mid noqday rag kooban oo xisbiga dhismiisa sharci ahaan iyo dhisme ahaanba uga shaqeeyay, kuna guulaystay inay hirgeliyaan oo ay ka dhigaan xisbi awood leh. Wakhtigaas uu Cali-Gurey xisiga la aasaasayay Madaxweyne Siilaanyo, waxa jiray rag culus oo beesha Cali-Gurey ka soo jeeday oo iyaguna xisbiyo aasaasay, waxase uu Cali-Gurey go’aansaday inuu garab istaago saaxiibkii Axmed Siilaanyo. Hase yeeshe Cali iyo Axmed Siilaanyo waxa ay isku dhaceen ka hor intii aanu Madaxweyne Siilaanyo ku guulaysan doorashada, ilaa haddana sidii ayay u kala fogyihiin. Booskii Cali-Gureyna waxa u bedelay oo galay rag aan cudud la mid ah xoogii Cali-Gurey xisbiga KULMIYE habeena gelina. Waxa ay Cali-Gurey iyo wasiirada Madaxweyne Siilaanyo hawada isu mariyaan hadalo siyaasadeed oo ba’an.

Jamaal Xuseen Hure: Jamaal wuxuu ahaa maayarkii magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd, isagoo ka tirsanaa kana soo baxay xisbigii UDUB. Jamaal isagoo xilka haya ayuu si rasmi ah ugu biiray xisbigii KULMIYE ee mucaaradka ahaa, waxaanay xukuumadii UDUB ku qaaday dagaal siyaasadeed oo xoog badan. Waxa laga dhigay baabuurkii dawladda ee uu maayar ahaan u wadan jiray, waxaana laga joojiyay dhammaan awoodihii dhaqaale ee uu maayar lahaa. Markii uu Madaxweyne Siilaanyo guulaystay waxa uu noqday badhasaabka gobalada Hawd iyo Daad-madheedh, waxaana xilka laga qaaday dhawr bilood ka hor. Jamaal hadda wuxuu sida siyaasiyiinta kaleba ku jiraa aygga uu Madaxweyne Siilaanyo kaga tagay odayaal badan oo la soo halgamay. La soco cadadka dambe iyo xubno kale oo weli aygga ku jira, cudud iyo caqlina ku lahaa guushii Madaxweyne Siilaanyo.