Boqor Raabi Oo Si Adag Uga Hadlay In La Iibiyo Maktabada Gaandi

0
573

raabHargeysa(Geeska)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi Oo Ka mid ah Madax Dhaqameedka Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay wararka sheegaya in Dhismaha Gandi Library oo u yaala Badhtamaha Magaaladda Hargeysa laga iibiyay Mid mid ah ganacsatada Somaliland.

Waxa uu shacabka ku dhaqan Magaaladda Hargeysa ugu baaqay in ay isaga yimaadaan sidii ay u wada ilaashan lahaayeen Hantida Ka dhaxaysa isla markaaana waxa uu ayaan darro iyo wax aan la qaadan Karin uu ku sheegay in hantida umada laga iibiyo dad gaar ah.

Waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu waramayay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan dirayaa qaylo dhaan, taas oo ah in ay isu yimaadaan deegaanka hargeysa, cid kasta oo deegaanka hargeysa ahi waxa aan jecelahay in ay isu yimaadaan oo ay ka tashadaan oo ay wax iska waydiiyaan boobkan la boobayo hantidii umada iyo tacadiga dadkii lagu hayo ayaan doonayaa in la isaga yimaado mar hadii aanay jirin cid lagu aamino Hantidii umadda oo la boobayo in ay u sameeyaan cid u ilaalisa.

Baaqaas dheer baan runtii idiinku yeedhay in aad gudbisaan  oo aan Deegaanka Hargeysa ugu talo galay in ay isugu yimaadaan oo ay ugu dhago nuglaadaan oo laga wada tashado, sababta oo ah iminka waxa laga Hadlayaa Gandi Library oo ay Ardayda aan shaqooyinka haynin ee Jaamacadaha ka soo baxday  meeshii keli ahayd ee ay wax ku akhrisan jireen ayaa waxa la leeyahay Ninkii boobay Hantida umada, Sariibadii Xaafada October, Guryihii Ummada, kuwii Hindidu ka tageen iyo wax kasta oo meesha yaalaba ay boobeen ayaa la leeyahay iminka waliba ha looga qaado Hantidii la wada lahaa umada” ayuu yidhi

Waxa uu intaasi ku daray oo uu ugu baaqay shacabka Hargeysa in ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u ilaashan lahaayeen danaha Guud, waxaanu yidhi “Reer Hargeysa waxa aan leeyahay Arrintaas waa in ay ka hor yimaadaan oo aanay aqbalin, Gandina waxa aan ugu hambalyaynaa oo aan u soo jeedinayaa in la taageero, waanan ku taageeraynaa Gandina in uu ilaaliyo Hantida umada inta la isugu imanayo uu gacanta ku hayo” ayuu yidhi

Waxa kale oo uu ka hadlay Xaafadaha Lineka Booliska oo la sheegayo in ay xukuumadu iibisay waliba Laydhka Magaaladda Berbera, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan runtii ka xumahay in la yidhaahdo dhulkii hadhay ee keli ahaa ee hambada ahaa ee Lineka Booliska in dadkii la baro kiciyo oo la iibiyo, waxa kale oo aan iyadana leeyahay waa ayaan darro In warshada laydhka Hargeysa cid gaar ah lagu wareejiyo, waxaanan leeyahay nimanka ganacsatada ah ee lacagtooda iska bixinaya iyo kuwii hantida hore u boobayba mid walba waxa aanu uga digaynaa in ay iman doonto wakhti lala xisaabtami doono, hadii ay iyagu ka xishoon waayeen oo ay hantida umada iska ilaalin waayeen maydkoodana lagu maydhi maayo, hanti ay leeyihiina maaha, reer hargeysana in ay hantidooda ilaashadaan baan ugu baaqayaa” ayuu yidhi.