Nasra Xaaji Cabdiraxmaan Oo Xukuumadda Uga Digtay Iibinta Maktabada Gaandi Ee Hargeysa

0
590

nasraHargeysa(Geeska)-Nasra Xaaji Cabdiraxmaan, oo ka mid ah madaxda xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa xukuumadda uga digtay in la iibiyo Maktabada Hargeysa ee Gandi, oo ah hoy wax akhris oo ay dadweynuhu leeyihiin.

Nasra, oo shalay la hadashay saxaafadda, ayaa waxa ay sheegtay in maktabadu tahay hoy uu shacabku leeyahay oo ay da’da kala duwan ee Somaliland wax ka bartaan. “Waxaan xukuumadda uga digayaa inay iibiso maktabada Gaandi oo ah maktabad ay umadu leedahay. Maktabadu waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadatay horumarinta waxbarashada da’da yarta iyo qaybaha kala duwan ee Somaliland. Waxa maktabadaas ka faaiidaystay in ka badan milyan ruux oo reer Somaliland oo aqoon balaadhan ka faa’iiday, waxaana ka faa’iidaysan doona tiro intaas ka badan. Sidaas darteed xukuumadda, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada waxaan uga digayaa in la iibiyo xaruntaas waxbarasho.” Ayay tidhi Nasra, waxaanay intaas raacisay, “Wasaaradda waxbarashadu oo hore ugu fashilantay in ardayda reer Somaliland ee dugsiyada dawladda wax ka bartaa ay kaalmo fiican ka galaan imtixaanka, ayaa haddana haddii ay ogolaato in maktabadii keli ahayd ee ay ardaydu lahaayeen la iibiyo, waxaanu u sheegaynaa inaanay umadu aqbali doonin, hana ogaato wasaaradda waxbarashadu in ceebaheedu banaanka yaalaan.”

Ugu dambayn waxay Nasra Xaaji Cabdiraxmaan tidhi, “Waxaan shacabka Somaliland ugu baaqayaa inay ka damqadaan haddii ay xukuumadu kaga dhabayso iibinta xaruntaas. Waa hoy ay bahda wax akhriska iyo waxbarashadu leedahay, lamana ogolaanyo in cid gaar ah lagu wareejiyo.”