Garabka Dhallinyarada Waddani Oo Ka Hadlay In La Iibiyo Maktabada Gaandi Ee Hargeysa

0
505

Hargeysa(Geeska):-Garabka Dhalinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si kulul u cambaareeyey talaabada ay Xukuumadu Albaabka ugu laabtay Maktabadii Akhriska ee Gandi Library oo ku taalay Magaalada Hargeysa.waxaana ay Xukuumada ugu baaqeen in ay talaabadaas si dag deg ah ay uga noqoto.

Masuuliyiinta sar sare ee garabka dhaliyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa,waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Xoghayaha ku meel gaadhka ah ee garabka dhalinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxamed Sidiiq dhame,waxaana uu sheegay in ay ka dhalinyaro ahaan ay aad u cambaaraynayaan talaabada ay Xukuumadu ku albaabada ugu laabtay in Maktabada Gandi ay ka iibiso nin ganacsade ah oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka.

"Waxaa ayaan darro ah oo adhax jab ah in Librarigii madiga ahaa ee ay ka aflaxeen kumanaanka kun ee dhalinyarada ah,in maanta la yidhi,ninbaa bakhaar ka dhiganaaya oo buskudka iyo raashinka lagu iibiyo,waana nasiib darro aad iyo aad baanan u cambaaraynaynaa dhalinyaro ka Xisbi ahaan"Ayuu yidhi Maxamed Sidiiq Dhame

Filsan Cabdiraxmaan Cilmi oo iyaduna sida oo kale halkaasi ka hadashay ayaa dhankeeda,waxaa ay si gaar ah ay u tilmaantay in Xukuumada Siilaanyo aanay dhalinyarada waxba u ogalayn,waxaana ay carabka ku dhuftay in meeshii qudha ee ay dhalinyarta aan tahriibin ay aqoontooda kor ugu qaadi jireen ee Maktabada Akhriska ee Gandi.

(Eeg Bogga 7aad)

"Runtii anaga oo ah dhalinyarada Xisbiga WADDANI,waxaanu aad iyo aad aanu u cambaaraynaynaa,ayaan darrada iyo cawaaqib xumida ay Xukuumada Siilaanyo taas oo ay ka kow tahay in dhaliyaradii la soo gashay hiil iyo hooba,in ay dhabarka u soo jeediso oo ay waxba yahay ka soo qaado,oo meeshii kaliya ee ay dhalinyaradii tahriibtay mooyee intii kale ay wax ku baran jireen ama ay aqoontooda kor ugu qaadi jireen in la xidho,waxaana ayaan darro ah in haddii nin hagaagsan laga iibinaayee oo nin Siilaanyo ay isku bahyihiin in laga iibiyo oo oo la yidhahdo iyada oo dan gaar ah ka leh ama arrimo kale oo gaar ah kale la yidhaahdo dhalinyarada ka xidha aad iyo aad ayaan ucambaaraynaynaa arrinkaas Xukumdana waxaan ugu baaqayana in ay arrinkas ka joogto"Ayey tidhi Filsan Cabdiraxmaan Cilmi

Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ardayda Jaamacadaha oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay arday Jaamacadaha iyo kuwa kaleba ay la dareen san yihiin arrinta dhiilada ah ee u soo hoyatay,waxaana sheegay in ay si aada arrinkas u cambaaraynayaan,isaga oo sida oo kalena Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in uu Dhaliyarada uu Biriij kaga talaabay uu doonayey in  uu ku galo Madaxtooyada.

“Waxaanu leenahay dhalinyarada Jaamacadaha ku jira iyo kuwa kaleba in haddii aan nahay garabka dhalinyarada Aradayda Jaamacadaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI aanu aad uga xunahay talaabada aad iyo aadka u foosha xun ee ay Xukuumadu,waana mid aanu idin la dareemayno run ahaantiina waxaan idin leeyahay Xukuumadan idinka ayaa doortay oo meesha keenay maantana idinka ayaa badali kara halkeediina ku celin kara,waxaanu leenahay Mudane Madaxweyne dhalinyaradii ku soo doratay ee halkan ku keentay,waxaad ka dhigatay biriij aad madaxtooyada ku soo korto.Markaad Madaxtooyada aad gashayna dhalinyaradii waxaa ay u qaybsameen badh tahribay iyo badh camal la’aan gidaarada u taagan”Ayuu yidhi Yuusuf Maxamed Cismaan