Xildhibaan Cali Aareeye Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Xilka Iska Casilo, Si Kululna U Weeraray Hoggaaminta Dalka Oo Uu Sheegay Inuu Ku Fashilmay

0
687

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Xildhibaanada Mucaaradka ah, ayaa dhaliilo iyo eedo culus u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo), isagoo ugu baaqay inuu is casilo.

Xildhibaan Aareeye ayaa sidoo kale Madaxweynaha ku eedayey inuu u dhaqmayo sidii uu u dhaqmi jiray Siyaad Barre, oo uu ku fashilmay Siyaasadii iyo Xukunkii dalka, isla markaana hantidii Qaranka la lunsaday.

Xildhibaan Aareeye oo Shalay Shir jaraa’iid oo Xildhibaanada Waddani ku qabteen Xarunta Golaha Wakiilada ayaa sidoo kale difaacay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo uu sheegay in Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladu Baashe Cabdi Faarax uu hadalkiisi leexiyey, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi uu ku bilaabay “Waxa ina helay waxa laga sheekayn karo maaha, ilawshii Umasha ayeynu leenahay, waxa ina soo maray garan mayno, oo Nin caashaqna weynu iska leenahay, oo Nin ayeynu nidhaahnaa hebelbaa ina wadi, waa hebel ina duminaya, oo ina baabinaya, oo Hilbaheenii inta la dhamaystay ayaa Lafihii la sii dhuuxaya, waxa la iibiyo daa, Gaandi daa, halkaas kale daa, Burco daa meelihii Taariikhda oo dhan waa la iibiyey, waxa hadda la rabaa in inta Maraakiib Berbera la keeno in dadka la iibiyo, oo Keliyaha lagala baxo, sida arintan ay u socoto ee aynu u arkayno, maaha Guddoomiye, Xisbiga iyo Dad is haya, ee waxa weeyaan waxa aynaan garaynin”

Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu Xukuumaddan barbar dhigay Dawladdii Siyaad Barre ayaa yidhi   “Siyaad Barre ayaan ka cabanaynaye, waxaa ina helay mid boqol Siyaad inagu noqday oo kuwo yar yar oo gaagaaban haysta ayaa dalkii u soo baxay.markaa haddii Aayatul Kursi kasta lagu Akhriyana waxba laga qaban kari maayo, ilaa Shacabku yar iyo weyn ay gartaan danahooga oo Nin Caashaqana iska daayaan.Anagu hebel doorta idin ma lihin,kaas Caashaqa idin ma lihin, waxaan leenahay waar dalkii Halis buu ku jiraa”.

Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye, ayaa mar uu ka hadlaayey wakhtigii halkan ee SNM iyo dhaqanka uu sheegay inuu Madaxweynuhu lahaa ayaa yidhi “SNM uun baan ka maqli jiray wuu na kala kaxeeyey, waar ma Ninkan Odayga ah baa idin kala kaxeeyay uun baan Odhan jiray,Maanta Somaliland wuu kala kaxeeyey.intuu joogay waxaa dhacday in Cali Khaliif halkaas ku soo dego oo Khaatumo lagu dhawaaqo, waa markii ugu horaysay ee Maamul Somaliland ka baxsan lagu dhawaaqo.

Waxaa halkan Yimid Odayaashii Sama-roon oo tabasho u yimid, waxaa guddi loogu saaray oo la yidhi la xaala dadkii ay ka tabanayeen, waxaana lagu yidhi Guddidaasi ha idinla xaasho, waxaa ka horeeyay Odayaal Ciise ah oo iyana waxay halkan ka huleeleen iyagoo kabna lulaya kabna laalaadinaya.cid la rabaa ma jirto. Maanta halkee ugu dambeysa ayaa la yidhi, waxaa la yidhi Gudoomiyaha 50 talaabo ayuu Madaxtooyada u jiraaye ee allaylahe haddii aynu kaas is dhaafin weyno waxba inooma yaalan,Beelaha isaaq oo dhan marka la isku daro,meesha kaliya ee cid aan iyaga ahayni haysaa waa Halka Cabdiraxmaan.halkii Cabdiraxmaan Cirro na mid iyaga ah ayaa loo soo rabaynayaa oo ay wadaan Saleebaan iyo Siillaanyo in dhakhso loo fadhiisiyo.Qoladii Cabdiraxmaan ka dhashayna wey taagan tahay, iyaguna wey ilaashanayaan Kursiga, ”.

Xildhibaan Aareeye oo hadalkiisa sii wata lana hadlaya Madaxweynaha, ayaa yidhi “Waxa aan leeyahay Odaygu(Siilaanyo)wuxuu ahaa Oday fiican  Nin wanaagsan ayuu ahaa inta aan anigu ka aqaanay markii hore, Nin kasta oo wanaagsan waxbaa hela,waxbaa helay Odaygii wax helayba,wuxuuna Maanta u muuqdaa qalin khadkii ka dhamaaday .Qalinka khadku markuu ka dhamaadana waa la iska tuuraa.Tuuris uma quudhnee waa Oday soo halgamaye Xanaanuu u baahan yahay oo meel la fadhiisiyo oo bayshan siino oo saddexdaa gaadhina iska wada la yidhaadho oo qoladan sidii Maqaarka kuwadana Iska diidoo haddii aad Axmedkaagii  tahay iskaga tag meesha oo iscasil dantaadu taasbay ku jirtaa oo Cimri kuuma hadhine.”

Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu fariin u diray labada Xisbi Mucaarad iyo Madashu, isla markaana Shir iskugu yimadaan , ayaa yidhi  “Waxa aan halkan ka hambalaynaya Golaha Madasha, iyo Xisbiyada Waddani iyo UCID, oo Walaahi haddii arintaas waxba laga qaban waayo oo Madasha iyo Labada Xisbi Mucaarad isku yimaadaan in aanay Bisha dambe gaadhaynin, Siyaasaddii arimaha dibaddana Siirroo baan ka nahay,Dawladdaha Jaarkana xidhiidh fiican lama lihin, waxaa maanta la yidhi la hadla Cali Khaliif, Nimankeenii Dawlad Somaliland ahbaanu nahay lahaa, Siilaanyo ayaa halkaas na gaadhsiiyay, dawladdaas fashilan ayaa halkaas na gaadhsiiysay iyo Inamada yar yar ee hor boodaya ee leh waanu soo saxeexnay, oo waanu dhammaynay, waxa aan leeyahay gurmada Qaran ayaa loo baahan yahay, Bisha December haddii ay inagu gaadho wey inuu dhammaatay ee waxaana leeyahay Madasha Wada-tashiga iyo Labada Xisbi Mucaarad waa inaynu isku yimadaab”.

Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu ka jawaabayey hadalo ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Qofkii AMISOM yidhi isaga ayaa ka masuul ah, isaga ayaa ka jawaabi, Siciid Cilmi Rooblena Nin yidhi maaha, ee waxa uu yidhi wixii uu sameeyey Siillaanyo wakhtigii Daahir Rayaale ee Dawladdaha Deeq bixiyayaashu hana soo kala gaadhaan, AMISOM Ninka yidhi isaga ayaa quluubta ka raba, Xasan Sheekh Maxamuud Ninka yidhi isaga ayaa Qalbiga ka raba, Siciid waa Mujaahid Dawlad kastana sida Ragga ayuu ula hadla, wax walba waa la iibinayaa, ee waxa aan ka baqayaa inuu Aqalkaas uu ku jiro Maalin dhaw la iibiyo, Nimankaas damdamta haysana uu ku yar yahay Nin ka baxay Dugsiga sare”.