Runtu Ma Fanta? Qabiil iyo Qaran miduun doorta?

0
680

Somalidu waxay tidhaahdaa, ''laba Faras ninkii Fuulaa asagaa…'', Siyaasiyiinta Somaliyeed, guud ahaan iyo gebi ahaanba waxay u baahan yihiin cid runta u sheegta. Abwaan Gaarriye waxaa laga hayaa '' Waarr ''Isaaq iyo Isaqism'' waa kala laba wax oon is-geyin.

Hadda, Somalia waxaa qabsaday laba nin oo xoogga ka masa ah; oo kala ah ''Daroodism iyo Hawiyiism'', Ayagana waxaa dhusha ka qabsaday; ''Daaroodiism iyo Irriism'', ayagana waxaa dusha ka sii qabsatay silsilada taxane ah oo la ydhaahdo ''Islaamka Siyaasiga'' oo kala ah; Al-Shabaab, Xisbul Al-islaax, Xisbul-Islam iyo waxeero ay cagaha ku jiitaan oo loo yaqaan (Political Islam). Ayagana waxaa dusha ka sii qabsady laba kale oo kala ah ''Deeq-biyayaal'' iyo AMISOM.

Somali Xume

Wadaad Xume

Hantiwadaag Xume

Somali Yare

Wadaad yare

Hantiwadaag Yare

Iriirsamka, iyo Daaroodismkuba waxay khatar ku yihhin waxa la yidhaahdo Qawmiyad, qaranimo iyo dawladnimo. Waxay, hor iyo horranba, khatar ku yihhiin dawlad Somaliyeed oo ''dirr iyo Daarood-ba'' ka kooban oo halkan, Somaliland, ka jirta, taas oo nabad iyo dimoqoraadiyad dhisaysa. Waxay kale ooy khatar ku yihiin dawlad Somaliyeed oo Muqdisho ka dhalata, oo ka kooban dhammaan qabaailka Somalida iyo qawmiyadaha yar yar ee Somalida ah ee aan ayaga ku abtirsan.

Cidda wax kala geynaysaana maaha shacabka ee waa siyaasiyiinta Somalida maanta oo raacaya raadkii kuwo ka sii harreeyey. Haddaba, Syaasiyiinta Somalida ee maanta joogaa oo raacaya raadkii kuwo ka horreeyey, waa kuwo sidee u eg ?:

Mahamed Siyad Barre, ayaa berigii Siddeetanaatkii markii xaaladda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee dalku murugtay ee la kacay, jabhadona debedda ka samaysmeen gudahana Wadaad iyo Waranleba lagu kacay, guuxa iyo dareenka mucaaradkuna is qabsaday, ayaa waxuu damacay in uu si guud u sifeeyo siyaasiyiintii Somalida ee waqtigaas. Markaasa waxuu sameeyey wax u eg falsafadii mandiqa ee ''The Aristotle's Traditional Square of Opposition'', oo uu sidan u dhigan:-

Mahamed Siyad Barre, waxaa maanta lagu haysta in uu qayb-libaax ka qaatay qabiilaynta maamulka dawldda, taasina waxay keentay duminta qarannimada iyo dawladdii Somalida. Waa run, laakiin su'aashu waxay tahay; maxaa ka dabeeyey, oo maanta taagan. Waxaa la yidhaahdaa taariikhdu way soo noqnoqotaa. Ma mooddaa in ragga maanta Somalida horboodayaa raaceen raadkii M. S. Barre. Ayada oo Maanta mid waliba taagan yahay; ''jeero feleg meero oo dhulka fuudhka la saaro oo reerkaygu maeel ka fadhiisto maxaa faanka duleed iyo farahu II trayaan''. Haddaba, bal Siyaasiyiinta maanta horboodaya Somalida aan isla eegno sifooyinka ay leeyihiina isla xaddidno. Innaga oo raacayna dhabbihii Aristotle oo sidii M. S. Barre u soo xigtay aan iku dayno. La soco.

adamjibril@hotmail.com