12 Jir Loo Aqoonsaday Qofka Dunida Ugu Xariifsan Xisaabta Maskaxda Lagu Xalliyo Oo La Siiyey Billad Dahab Ah

0
760

Picture8Beyruut (Geeska)- Maxamed Al-Miir oo ah wiil 12 jir ah oo u dhashay dalka Lubnaan ayaa loo aqoonsaday in uu yahay ruuxa ugu maskax badan dunida, marka loo eego dhinaca ka shaqaynta xisaabta degdegga, kadib markii dhinaca xisaabta ah oo ka dhacay dalka Jarmalka uu kaalinta koowaad u galay 55 tartame oo ka soo jeeda 40 dal oo dunida ah, waxaana lagu maamuusay billad dahab ah. Arrinta sida gaarka ah xiisaha u yeelatay ayaa ah dhibcaha uu wiilkan yari kaga sarreeyey dadkii kale ee tartankan kula jiray, iyada oo celceliska dhibcaha uu helay ay noqdeen 1455 dhibcood halkii laga rabay 1500 oo dhibcood, qofka ugu soo dhow dadkii la tartamayeyna uu ka sarreeyey 322 dhibcood.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Qudus Al-Carabiya ayaa sheegaya in aanay ahayn markii ugu horreysay ee uu Maxamed Al-Miir tartan xisaabta maskaxda ah kaalinta koowaad u galo, sannadkii hore ee 2013ka ayaa ay ahayd markii uu tartan kan oo kale ah oo dalalka Carabta u gaar ah kaalinta koowaad u galay 700 oo tartame. Cabdil-Ilaah Miiqaati oo ah maamulaha dugsiga uu dhiganayey wiilkan yar ayaa isaga oo aad u faraxsan waxa uu sheegay in guusha ardaygan oo tan iyo bilowgii waxbarashadiisa dugsigan joogay ay qalbiga u qaboojisay, waxa aanu sheegay in mar horeba uu maamulka dugsigu markii uu arkay dadaalka Maxamed Al-Miir uu go’aansaday in uu ka daayo lacagta waxbarashada, sidaa awgeedna uu muddooyinkii dambe oo dhan bilaash ku dhiganayey.

Dalal badan oo dunida ah iyo heer caalamiba waxaa loo qabtaa tartanno lagu qiyaasayo awoodda maskaxeed ee qofka, kuwaas oo tartamayaasha la weydiiyo masalooyin iyo su’aalo xisaabeed oo laga rabo in ay afka ka sheegaan iyaga oo aan isticmaalin, kombiyuutar, mishiin kale, warqad iyo qalin ama xataa nooc kasta oo qofku wax ku xisaabin karo oo aan ahayn in uu jawaabta markaba maskaxdiisa ka soo tuuro.