Buuq Ka Dhashay Imaam Ducadii Khudbadda Jimce Ku Daray Koox Kubbad Cagta Ah Oo Uu Taageero

0
733

Tuunis (Geeska)- Imaam tukiya masjidka ugu weyn magaalada Manzil Bu Raqiibah oo 60 Km woqooyi bari ka xigta caasimadda Tunis ee dalka Tunisia ayaa si badheedh ah ugu duceeyey koox ka mid ah naadiyada kubadda cagta ee dalka Tunisia oo uu aad u taageero, inta kuma uu koobnaan ee waxa uu sheekhu Habaar la miciinsaday naadi kale oo ay ciyaar ku kulmayeen kooxdiisa Afriiqiya (Afrika). Sida ay qortay warbaahinta Dalka Tunisia, waxa uu sheekhu u ducaynta kooxdiisa iyo habaarka kooxda ka soo hor jeeda ku xusay khudbaddii jimcaha, laakiin waxa ay arrintani cadho badan iyo buuq ka dhex dhalisay dadkii uu tukinayey iyo guud ahaan muwaadiniintii kale ee warka maqashay gaar ahaan kuwoodii taageerayey kooxda uu Sheekhu habaarka la daba jimicsaday. Dad badan ayaana Imaamka si ba'an ugu naqdiyey habaarkiisii ahaa, "Allahayoow jebi kooxda kubadda cagta ee At-Tarji oo abidkood ka ilaali horyaalnimada kubadda cagta"

Sida ay warbaahinta ugu warrameen dadka aqoonta dheer u lihi, Imaamkani waxa uu si weyn u xiiseeyaa daawashada kubadda cagta oo uu taageero naadiga Afriiqiya (Afrika) oo ay si adag u xilfantimaan naadigan uu habaaray ee At-Turji, iyaga oo intaas ku daray in aanay markani ahayn markii ugu horreysay ee uu Sheekhu Naadigiisa u duceeyo, balse waa markii ugu horreysay ee uu salaad jimce oo la buuxo si badheedh ah u duceeyo nadigiisa, kan ka soo horjeedana si adag u habaaro. Sheekha oo la weydiiyey sababta uu sidan u yeelay ayaa si adag isu difaacay, waxa uu sheekhu beeniyey warka ah in uu taageero kooxda Afrika, balse waxa uu qirtay in uu habaaray kooxda At-Turji oo uu ku eedeeyey in ciyaaryahannadoodu yihiin kuwo aan ku fiicnayn adaabta Islaamka, Imaamku waxa uu ku dooday in ciyaaryahannada At-Turji aanay xattaa ixtiraamin jinaasada, oo aad arkayso xataa iyaga oo xabaalaha dushooda kaga sheekaysanaya arrimaha kooxdooda, "Ma yaqaannaan khushuucda, xuska Alle iyo ciqaabta aakhiro midna" Ayuu sheekhu si cadho leh u yidhi isaga oo duraya kooxda uu habaaray. Dad badan oo reer Tuuniisiya ah ayaa dalbaday in Sheekhu uu raalli gelin ka bixiyo arrintan. Iyada oo ay cadhada taageerayaasha kooxda uu habaarayna ay aad u sii korodhay markii ay dhacday ciyaartii labada kooxood ee midna uu habaaray midna uu u duceeyey, ee kooxda uu sheekhu taageero ee Ifriiqiya (Afrika) si ku durdurin iyo awood sheegasho ah uga badisay iyada oo weliba ciyaartu ka dhacaysay garoonka kooxda Sheekhu habaaray. Guul darradaas ayaana kooxda At-Turji ka reebtay sii wadista tartanka horyaalnimada eek a socday dalka.